berberatoday.com
Heshiiska Lagu Wareejiyey Dekedda Berbera Ma Shirkadda DP World Ayaa Faa’iido Taagan Mise Somaliland, Ma Xabsi Ayeynu Galnayn Mise Waxa Inoo Beryey Waagii Aqoonsiga Waa Midkee?.
September 6, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

“Wareejisay ee Yaan Laga Waayin Berri Horumarkii, Barwaaqadii iyo Faa’iidada dhalan doonta, ileyn Dekedda Berberi waxay ahayd Hantida Keliya ee Somaliland Ictiraaf ku heli karto”.

baashemo

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland Waxay si rasmi ah shalay qalinka ugu duugtay heshiis muddo 30-sanadood ah, oo ay Dekedda Berbera ugu gacan-gelisay Shirkadda laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta ee lagu magacaabo Dp World, isla markaana waxay Xukuumadda Somaliland inoo sheegtay in Marsada Caalamiga ah ee Berbera Shirkaddu ku samaynayso Maalgelin, Ballaadhin iyo qorshaha Deked labaad oo laga garab yagleelo tii hore. Halka masuulka ugu sarreeya Shirkadda Dp World Mr. Suldaan Ahmed bin Sulayem uu sheegay inay Dekedda Berbera tahay mid ku taala marin Biyood Israatiiji ah oo isku xidha qaaraddaha adduunka oo ay ka dhiggayaan mid casri ah.

Haddaba, markaan usoo daadegno Xaaladii hore ee Dekedda Berberi ku sugnayd iyo Kaalinta qaran ahaan ay ugu jirtay dalkan Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dalka Soomaliya ka go’ay 1991-kii, aynu is yara xasuusino, Dekedda Berbera cida maamuli jirtay, dakhliga kasoo baxaa cida qaadan jirtay, shaqaalaha ka hawl-galaa Intaa ay le’eggaayeen, Siyaasad ahaan Kaalinta ay kaga jirtay Dekeddaha Caalamiga ah, Somaliland’se ma Cid ayay u daba-fadhiisan Jirtay. Dekedda Berberi waxay ahayd Deked ay Somaliland Maamulkeeda u madax-banaaneyd, taasoo ay wax kala soo degaan Ganacsatada dalka ee Keenta Maceeshadda, isla markaana ay ka dhoofaan xoolaha Nool ee Dalku oo iyaggu ah laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland.

Sidoo kale, dakhliga kasoo baxa Dekedda Berbera %100 waxa si toos ah u maamuli jiray Xukuumadda Somaliland, inkastaa oo dakhligaasi aanu ka muuqan jirin Miisaaniyadda, balse waxa uu ahaa dakhli ay maamulaan kolba shaqsiga Madaxtooyadda Fadhiyaa. Mana jirto faa’iido gaar ah oo shacabka reer Somaliland ku qabeen dakhligaas oo kasoo gaadha, marka laga reebo xubno la sheegi jiray inay shaxaad ku lahaayeen. Hase-ahaatee, waxay shacabka reer Somaliland Dekedda Berbera ku eexeysan jireen isticmaalka Dekedda oo ay u Madax-banaanayeen, tusaale ahaan Ninka ganacsadaha ah ee wax kala soo degaa waxa uu dareemaayey xoriyad buuxda iyo madaxbanaani inuu wax ula soo dego, waxna u dhoofsado, xagga cashuuraha Dekedda lagu qaada waa qaybo badan, qaybo dhawr ahi Dekedda ayey gaar u ahaayeen, cashuurtaasina qasnada Qaranka kumay dhici jirin, qaybna waa Waaxda Kastamka Cashuuraha beriga oo waxay hoos-tagi jirtay Wasaaradda Maaliyadda.

Dekedda Berberi may ahayn mid dunsan oo qaybo kamid ahi burbursan yihiin, balse waxay ahayd Deked caalami ah oo dhisan, isla markaana dib u habayno badan iyo dayactirba lagu sameeyey oo qalabaysan, manay jirin daranyo buuran oo aanay ka shaqayn karayn oo ka muuqday ama ay lahayd Dekedda Berberi.

Qaran ahaan Somaliland waa dal aan dunida ka helin aqoonsi, hase-ahaatee waa dal Dimuquraadiya oo shacabku ay soo doortaan cida haggaysaa ee Hoggaaminta tallada dalka u qabanaysaa, isla markaana Maanta baahida keliya ee ay wax kastaa dhaafsan karaan waa aqoonsi Caalamiya cida siinaysaa, ama kaba caawinaysaa arrimahaa, heshiiskan Xukuumadda Somaliland lasoo gashay Shirkadda Dp World waxay sheegtay in Dawladda Imaaraadka ay la saxeexay, Dawladda Imaaraadku Somaliland ha aqoonsadaan Dekedda 100-sanadood ha haystan hadday doonayaan, kama muuqdo jaaniskaa aqoonsi raadinta ee Bulshadda Somaliland baahida weyn u qabto heshiiskan mudada dheer loogu gacan geliyey Dekedda Berbera oo ahayd halka Somaliland khayrkeed ku dhaaftay amaba u saamaxday inuu dalkani soo gaadho halkan. Sidoo kale, ma cadda xilliga ay maalgelinta ku samaynayso shirkadda DP World Dekedda Berbera ee ay bilaabayaan Deked Cusub oo labaad iyo dayactirkan tan hore.

Geesta kale, Waftiga Somaliland ka socday ee saxeexa u qaabilsanaa Shirkadda Dp World wax gorgortan ah oo lamay gelin, heshiiskana kama muuqdo qorshe cad oo lagu qiimeeyey Dekedda Berbera, hase-yeeshee waxa heshiiskan si weyn looga dareemayaa Saamiyo shaqsiyaadk xubnaha waftigan ahi ay kula shuraakoobeen Shirkadda, sidoo kale, heshiiskan waxa la muuqda dheeli badan oo ah xagga dakhliga Dekedda kasoo baxa ah oo Shirkaddu %65 ay qaateen, halka Somaliland ay leedahay %35 oo weliba ay ku jiraan Saamiyo shaqsiyaad la siiyey. Iyadoo xogta halka laga helaaya ay tahay in qaranka Somaliland dakhligaa uu qaadanaayo %15 keliya oo halka saamiyona loo qaatay %20 dhan.

Ma muuqdaa qorshe cad oo midho dhal ah dalka ugu jira heshiiskan oo aan ahayn Dekeda oo dib loo casriyeynaayo iyo ballaadhinteeda, ilayn heshiiskan waxa ku cad inay shirkaddani muddo 30-sanadood ah ay gacanteeda Dekeddu ku jirayso. Ma wax kale oo qarsoon oo faa’ido leh ayaa dalka ugu jira. Waxa jiraa dhaqaale 15-Milyan Dollar ah oo Shirkaddu gacanta ka gelisay Waftiga Somaliland ee soo saxeexay heshiiskan, dakhligaas oo sida la sheegay ay qaadanayaan xubnahan soo saxeexay heshiiskan, isla markaana xilgan la joogaba aanay waxba ka nooleyn.

Haddaba Maanta wareejisay ee Beri waxaan ka sugaynaa Horumarkii, Barwaaqadii iyo Mustaqbalkii wanaagsanaa ee afkaga laga hayey, hadii taas ay shacabku ka waayan bedelkeeduna noqdo Dekedda Berbera Shirkaddaasi shacabka ku gumaysato, Ogow waxba maad soo kordhin ee waad khasaaraysay. Waanad gabtay masuuliyaddii Ilahay kugu dhiibay, hadaad Saamiyada qarsoon u halaagto Ummadda. La soco qaybaha danbe

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews