berberatoday.com
Qaramada Midoobey Oo Soo Bandhigey Tacadiga Ay Dawlada Somaliland Ku Hayso Saaxaafadda Somaliland
September 6, 2016 - Written by Berbera Today

Cabudhinta SaxaafadaHargaysa(Berberatoday.com)-Qaramada midoobey ayaa warbixin la xidhiidhay xoriyadda hadalka iyo saxaafadda oo ay soo bandhigtey waxay si weyn ugu muujisay xaalada ka dhex taagan xukuumadda Somaliland iyo saxaafadda.

 

Warbixin uu bishan soo saaray xafiiska UNSOM ee qaramada midoobey u qaabilsan Somaliland iyo somaliya wuxuu sheegay in suxufiyiin tiro badan oo dawlada Somaliland xidhay lasii daayay iyadoon xataa maxkamadda la gayn ama xukun lagu ridin.

Warbixintan waxa lagu sheegay in Somaliland ay ka jiraan 16 wrgeys,4 telefeeshin,idaacadda oo ay dawladu leedaha iyo waliba shabakado wareed oo  internet ah.

Waxay warbixintu sheegtay in sanadkii 2002 ay xukuumadda Somaliland mamnuucday in la furo idaacado madaxbanaan ,waxa kale oo ay sheegtay In xeerka saxaafadda Somaliland ii isna la ansixiyay sanadkii.

Sidoo kale waxa warbixinta aad loogaga hadlay xeerka saxaafadda Somaliland oo aan la hirgalin wali,iyada oo sheegtay in saxaafadda Somaliland aad ugu ololeysay in la hirgaliyo xeerka saxaafadda oo la ansixiyay sanadkii 2004-tii,taas oo aanay xukuumaddihii kala danbeeyey hirgalin.

Warbixintu waxay sheegtay in gudoomiyah maxkamadda sare Prof Aadan Xaji Cali u muuqdo inuu doonayo inuu waajaho wax badan oo la xidhiidha caqabadaha haysta saxaafada Somaliland.

UNSOM waxay soo xigatay shir jaraa;id oo uu qabtay gudoomiye Aadan oo uu ku sheegay in loo baahan yahay in dib u habayn lagu sameeyo shuruucda la xidhiidha saxaafadda iyo dadka ka shaqeeya iyo hay’addaha warbaahintaba.

Wuxuu Prof Aadan carabka ku dhuftay inaan saxaafada iyo suxufiyiintaba la iska xidhi doonin shaqooyinkooda maalinlaha ah ee ay gudanayaan.Prof Aada ayaa warbixintan lagu sheegay inuu bishii October 2015 soo saaray digreeto lagaga hortagayo xadhiga aan sharciga loosoo marin ee saxaafadda iyo saxafigaba.

Warbixinta UNSOM ee ka hadlaysa dhibaatooyinka lagu hayo saxaafadda ayaa waxa ay tidhi

“Intii aanu ku guda jirnay ururinta warbixinta UNSOM waxay u kuur gashay oo ay diyaarisay xad gudubyo iskugu jira cabsigalin ,xarraas,xadhig iyo xabsi dhigis,ku xad gudubyo jidheed,iyo xoriyadda warbaahinta ,inta badan falalkan waxa lala xidhiidhiyay ciidamada RRU-da ee booliska oo loogu tala galay la dagaalanka argagixisada ,hay;addaha danbi baadhista ee CID,xafiiska xeer ilaaliyaha guud iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland”

Warbixinta qaramada midoobey waxay sheegtay in intii u dhaxaysay bishii January ee sanadkii 2014 ilaa July sanadkan 2016 la xidhay ugu yaraan 60 saxafi dabadeedna xabsiga la dhigay waxa ay xustay in inta badan saxafiyiinta layska sii daayay iyadoo la xukumin maxkamaddna lasoo taagin.

Warbixinta waxa kale oo ay sheegtay in hadidaad iyo rasaas ba’an loo adeegsaday saxafiyiin ka hawl gala magaalada berbera ee gobolka saaxil,gaar ahaan wakhtiyadii la doonayay in shirkadi ganacsi oo madaxbanaan ay xukuumaddu ku wareejiso haamaha shiidaalka berbera.

Warbixinta ay soo saarta qaramada midoobey waxa kale oo lagaga hadlay saxafiyiin ka tirsan wargeyska Hubsad oo laba ah oo la xidhay bishii November 2015 oo lagu eedeeyey inay soo saareen wargeys aanay sharci u haysan waase lasii daayay December,iyada oo uu ila xayiran yahay wargeyska Hubsad ayay tidhi warbixintu.

Wargeyska Haatuf ee isna xayiran ee ay xayirtay xukuumadda Somaliland ayaa isna ay warbixintu ka hadashay,iyo sidoo kale xadhigii loo gaystey gudoomiyihii iyo tafatirihii waargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige,waxaanay warbixintu xustay in ilaa hadda uu wargeysku xayiran yahay.

Waarbixintu waxa kale oo ay ka hadashay fal sanadkan ka dhacay magaalada hargeysa oo lagu beegsaday saxafiyiin ka tirsan wargeyska Foore iyo telefeeshinka Bulsho oo ay sirdoonka Somaliland xidheen kadib markii ay warar ka baahiyeen mashruuca dekedda berbera iyo imaaraadka carabta iyada oo la xidhay tafatirihii wargeyska Foore Cabdirashiid Cabdiwahaab balse markii danbe lagu sii daayay damiin.

Warbixintu waxay tidhi “xadhiga iyo xabsi dhigista saxaafadda iyo kuwo kale oo u shaqeeya hay’addaha warbaahintu,gaar ahaan xadhiga mudada gaaban,waxay u muuqdaan calaamad muujinaysa in looga jeedo cabsi galin ama xaraaska saxafiyiinta iyo dadka saxaafadda ka shaqeeya ,taasi oo horseedi doonta In lagu sameeyo faaf reeb ama inay saxafiyiintu ka baxaan mihnada saxaafadda.

Warbixinta waxa kale oo lagaga hadlay xadhiga ay xukuumaddu u gaysatay afar dhalinyaro ah oo loo xidhay kulan ay kaga hadleen mashruuca dekeda berbera “Somaliland waxay boolisku bishii June 2016 xabsiga dhigeen afar dhalinyaro ah oo soo abaabulay kulan wax layskaga waydiinayay magaalada berbera.Mid kamida dhalinyaradaasi wuxuu aha afhayeenka dhalinyarada xisbiga Waddani waxa lasoo daayay 14 cishi kadib iyada oo cidna aanay xukun ku ridin laguna hayay saldhiga dhexe ee magaalada hargeysa”Ayay tidhu warbixintu.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews