Deg Deg Ah”Gudoomiye Ku Xigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Xabsiga Loo Taxaabey Iyo Sababta Xadhigiisa
September 7, 2016 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Gudoomiye ku xigeenkii ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA isla markaana ah suxufi ka hawl gala telefishanka madaxa banan ee Horn Cable Tv ugana soo warama magaalada Burco Saxafi Kayse Axmed Digaale ayaa xabsiga loo taxaabey
Wararka ay warbaahinta Madaxa banaani Ka Helayso xadhiga saxafigaas ayaa waxaa la sheegayaa in uu ka danbeeyey garsoore ka hawl gala maxkamada magaalada Burco kaas oo la sheegay in uu ka cadhoodey isla markaana uu dhibsadey war uu dhawaan saxafigu ku baahiyey bartiisa Facebook .