berberatoday.com
Dufcadii 8aad Oo Ka Kooban 414 Arday Oo Ka Qalinjabiyay Jaamacada Admas Ee Hargeysa Oo Toban Jirsatay Iyo Munaasibad Kulmisay Masuuliyiin Ka Socday Somaliland Iyo Ethiopia
September 7, 2016 - Written by Berbera Today

uniHargeysa(Berberatoday.c om)-Dufcadii sideedaad oo ka kooban 414 Arday (Afar Boqol Iyo Afar Iyo Afartan Arday) ayaa maanta ka qalinjabiyey Jaamacada Admas ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay Qalinjabinta Ardaydaasi Masuuliyiin ka kala socda dawladaha Somaliland iyo Ethiopia, waalidiin iyo martisharaf kale oo tiro badan. Ardaydan tiradoodu dhan tahay 414-ka Arday (Afar Boqol Iyo Afar Iyo Afartan Arday ), ee ka qalinjabiyey Jaamacada Admas ayaa baratay culuumta todoba Kulliyadood oo ay jaamacada Admas bixiso oo ay ka mid yihiin Accounting-ka, ICT-ga, Management, Development Studies, Economics, Achitecher-ka, Project Planning, Banking and Finance iyo kulliyado kale oo ay jaamacadu bixiso. Xafladdan loo qabtay Ardaydan ka qalinjabisay Jaamacada Admas oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa si weyn u soo jiidatay Indhaha ka qaybgalayaashii, martisharaftii iyo Masuuliyiintii ka kala socday Xukuumada, Xisbiyada Qaranka ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, aqoonyahano, Salaadiin, Xildhibaano, Waalidiin iyo maamulka iyo Shaqaalaha Jaamacada Admas ee a soo xaadiray madashaasi. Xafladda qalinjabinta dufcadda 8aad ee Jaamacadda Admas oo ka dhacday Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxa hadalo ka soo jeediyey Gudoomiyeyaasha Jaamacada Admas ee Hargeysa iyo Addis Ababa, Mr Ixsaan iyo Dr Mula, waxa kale oo madasha ka hadlay Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Somaliland, Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland, Xildhibaano Wakiilka dawladda Ethiopia u fadhiya Somaliland iyo martisharaf kale. Ugu horayn waxa munaasibadaasi ka hadlay gudoomiyaha Jaamacada Admas qaybteeda Hargeysa Ixsaan Cumar Ismaaciil kaas oo sheegay in maanta ay Jaamacada ka qalinjabinayaan dufcadii sideedaad oo tiradoodu ay dhantahay 414 Arday waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Wasiirada Xukuumada Somaliland, hogaamiyeyaasha asxxaabta qaranka, masuuliyiinta kale, cuqaasha salaadiinta, waalidiinta iyo wakiilka safaarada Ethiopia u fadhiya Somaliland iyo dhamaan ardayda qalinjabinaysa iyo bahda jaamacad Admas qaybta Hargeysa iyo qaybta Addis Ababa waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka. Waxa sharaf ii ah inaan idinku soo dhaweeyo munaasibadan qaaliga ah, waa xafladii qalinjabinta dufcadii sideedaad ee jaamacada Admas, waxa ay guud ahaan tirada ardayda qalinjabinaysaa ay dhantahay 414 Arday, kuwaas oo boqolkiiba 38% ay Hablo yihiin, halka boqolkiiba 62% ay Wiilal yihiin. Waxa ay ka kala qalinjabinayaan qaybaha kala duduwan ee ay ka midka yihiin Accounting-ka, ICT-ga, Management, Development Studies, Economics, Achitecher and urban planning, Project Planning, Banking and Finance, Distance Learning oo loogu talo galay dadka shaqaysta ama shaqaalaha ah. Waxa kale oo aan hambalyeynayaa dhamaan waalidiintii ku soo tacabtay in ardaydani ay gaadhaan maalintan maanta ah. Xafladan qalinjabinta sanadkani waxa ay ku aadan tahay sanadguurada tobnaad ee xiligii la aasaasay jaamacada Admas qaybteeda Hargeysa. Mudadii tobanka sanadood ee ay jaamacadani jirtay waxa ka qalinjabiyey araday ka badan 3500 Arday oo dhamaantood kaalin muq leh kaga jira horumarka iyo dib u dhiska loogu jiro Somaliland, ha ahaadaan kuwa ka shaqeeya xafiisyada dawlada, kuwa ka shaqeeya hay’adaha caalamiga ah, shirkadaha waaweyn ee gaarka ah, gaar ahaana ardayda ka qalinjabisay jaamacada ee Hal-abuurka la yimid bilaabay eek u guulaystay inay dhalinyar kale furasado shaqo u helaan. Mudaneyaal iyo marwooyin jaamacadu intii ay jirtay waxa kale oo ay ka qaybqaadatay inay deeqo waxbarasho tiro arday ah oo aad u farabadan ay siisay aradaydaasi oo imika qaarkood intay master-tii duniada kale ka dhamaysteen PHD ay hiigsanayaan. Waxaan maanta mar labaad iyo mar sadexaad aan u hambalyeynayaa aradayda halikan fadhiyeen, ardayddaasi waxaan leeyahay markii ay waxbarashada bilaabayeen sadex sano iyo afarsano ka hor in tiradoodu ay libin laabnaysay, balse intani waxa ay yihiin kuwii ku guulaystay inay sanadkan gaadhaan oo ay qalinjabiyaan. Waxaan leeyahay dedaalkiina halkaasi ka sii wada, waxbarashadu halkaasi kuma dhamaato, waxaana la idiinka baahan yahay in aad isku kalsoonaataan oo aad keentaan hal abuur aad ku samaysaan business-yo aad idinku leedihiin”. Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha guud ee Jaamacada Admas qayteeda Addis Ababa Dr Mulla Zagaie, kaas oo u hambalyeeyey ardaydii ka qalinjabisay Jaamacada Admas ee Hargeysa. Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Aasaasaha Jaamacada Admas Axmed Daahir Maxamed (Cadnaan), kaas oo halkaasi aradayda uga soo jeediyey, hambalyo iyo dardaaran ku saabsan sidii ay kalkaasi uga sii wadi lahaayeen waxbarashada. Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Jamaal Cali Xuseen, musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID waxaanu yidhi “Qofka maalmaha ugu farxada badan noloshiisa waxa ka mid ah Maalinta uu qalinjabinayo

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews