berberatoday.com
Mulkiilaha Tvga Star Oo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Ah Oo Faysal Cali Waraabe Aanu Ku Jirin Ka Mabnuucay Tvgiisa Baahinta Wararkooda
September 7, 2016 - Written by Berbera Today

star-tv2Hargeysa(Berberatoday.com)-Telefiishan madax banaan isla markaana ka hawl gala Somaliland xaruntiisa ugu weyn tahay magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay masuulyiintiisu ka mam-nuuceen baahinta wararka madaxda asxaabta mucaaridka .

 

Telefiishankan ayaa waxaaa lagu magacaaba Star Tv  waxaana uu hawda ku jiray muddo 3 Sanno ka yar  taas oo markii uu hawda bilowga ku ahaa   Dar dar xoogan ku soo galay saaxada saxaafada Somaliland kaas oo muddo yar  ku noqdey telefiishan saameyntiisa yeesha .

Hadaba telefiishankan oo dadku  sheegen in mudooyinkii ugu danbeeyey uu isdhimey xawaarihii uu ku socdey isla markaana hoos u dhac ku yimid ayaa waxaa soo baxay arimo iyo qodobo ay soo saareen  masuulyiinta telefishankaasi taasi oo meesha ka saari karta sameynta u bulshada ku  sii yeelan karo

Talaabadan  ay masulyiinta telefishanku ku kacay ayaa waxaa ay sheegan warar hoose oo soo gaadhaya xafiiska war qabadka ee shabakada Berberatoday.com in ay yahiin masuulyiinta telefishankaasi oo shaqalaha ku amrey in aan gabi ahaanba laga baaahin karin Tv ga wararka madaxda xisbiyada mucaaridka ah taas oo la yaab ku noqotey saxafiyiintii ka hawl galeysay maadama oo uu Tv gu madax banaaan yahay isla markaana u  aanu aheyn telefiishan  ku hadla afka Dawlada .

Amarkii ugu danbeeyey ee arintaasi ku taxaluuqda ayaa ah ka dib markii   masuulyiinta Tvgaaasi ay amreen in aan la baahin karin war uu lahaa  musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID  aqoon yahay Jamaal Cali Xussen oo uu kaga hadlaayey khilaafka xisbiga UCID oo ay maxkamada sare mudeysay xiliga ay bilaabi doonto dhegsiga dacwadaasi  sababo aan la garaneen awgeed sidoo kalana waxa jiray warar sidaas  oo kale ah oo la hor istaagay in loo  baahiyo warar ay lahayiin masuulyiinta asxaabta mucaaridka ee Waddani Iyo UCID .

Sababta kaliftey arintan ayaa wararka soo gaadhaya shabkada Berberatoday.com  ay sheegayaan ay yahiin Mulkiilaha Telefishankaasi  Maxamed Koodhaadhi Iyo Agaasimaha Telefishankaas Maxamed Baashe  oo xubno ka ah golaha dhexe ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye isla markaana waxaa ay labadan masuul ka mid yihiin shaqsiyaadka diyaarinaya buuga siyaasiga ah ee xisbiga Kulmiye isla markaana lacag aan cadadkeedu cadeyn ay  siisay mulkiilaha telefiishankaaasi

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews