berberatoday.com
“Xisbiga Waddani Ma Ka Ridan Kara Xukunka Dalka Xisbi Xaakimka Kulmiye? Eng. Baashe Cabdi Gaboobe
September 7, 2016 - Written by Berbera Today

Xisbiga Waddani ma ka ridan kara xukunka dalka xisbi xaakimka Kulmiye?
Waxa soo dhaw 27 March 2017 oo ah waqtigi maxkamadda sare go’aamisey in la qabto doorooshada lamaanan ee golaha wakiiladda iyo madaxtooyada Go’ankaaso ku yimid marki uu muran xoog leh dhex maray axsaabta mucaaridka ee Waddani, Ucid iyo xukuumadda Kulmiye ee uu gadhwadeenka ka yahey madaxweyne Axmed Silaanyo, taaso ku fashilantey in ay doorashada madaxweynaha ku qabato muddo sharciyeedkeeda ku eeka 27 july 2015. Golaha guurtiduna sidi caadada uu aheyd wuxey ugu duugeen xukuumadda Silaany muddo kordhin 22 bilood ah.
Haddaba haddaan dib ugu noqdo dulucda mawduuca kor ku xusan, xisbiga Kulmiye wa xisbil xaakimka Jamhuriyadda Somaliland oo isago xisbi mucaarid ah ku guuleystey doorashada madaxtooyada 26 June 2010 . Haddaba marku salaanka xukunka fuley ee uu bilaaby fulinta barnaamjki xisbiga ee aha balanqaadki oloolaha doorashada, waxey dadku ku kala aragti duwan yihiin, su’asha ah ma waxa badan wax yabaha taban mise inta togan ee ka dhalatey xukunka kulmiye ?. Dadka aaminsan in dhalisha taban ka badantahey wax qabadka togan Waxey sheegaan dhawr qodob :
1- In heerki qabyaaladdu koru u Kacey waxaaney daliishadaan wasiiradda beesha madaxweyne Silaanyo oo isku shandheyn walba ka badbaada.
2- Musuq maasuqa oo xadhkaha goostey, taaso abuurtey dabaqad gofanayaal ah ( Fat cats ) oo isku jira masuulin dawladda ah iyo ganacsto cusub.
3- Shaqo la’aan baahdey iyado sannad walba madaxwene Silaanyo ka qeyb galo qalin jabinta jaamicadaha laakiin nasib darro se annu marnaba khudbadihisa ku soo hadal qaadin wax ku saasbsan mustaqbal kooda sida shaqo abuur oo kale.
4- Sicir bararka oo kor uu Kacey kaaso saameeyn weyn ku yeeshey maciishaddi shacabka oo qaar badan aaney awoodin iney seddexda waqti wax cunaan.
5- Danti guud oo la xaraashey. Taaso keliftey iney dhalinyaro badan tahriibaan..
6- Cabudhinta saxaafadda iyo qoraayaasha, Somalidu waxey ku maah maahda ‘meyd maxa ugu dambeeyey iyo kaa iminka la sii sido’, waxa baryahan xidhan qoraa Siciid gaheyr,

Arrimahaas iyo qaar kalo badan waxey sababeen iney taageerada xisbiga kulmiye hoos uu dhacdo .

Inkasto maanta ay ka maqan yahiin dadki hormood ka aha oloolahi waaga hore sida labadi campaign manager ee gobolada galbeed iyo bari Bashe Cadi Gaboobe iyo Dr. Gaboose, Cabdi Casiis Samaale, guddoomiye ku xigeenki hore ee golaha wakiilada iyo wasiirki maaliyadda ( Inkasto aanu xisbiga ka bixin laguma arko oloolaha hoose ee xisbiga Kulmiye), Xuseen Axmed Ceydiid wasiirki hore Cadaaladda, Xildhibaan waabeye, Xamarji (Badhasabki hore gobolka togdheer), Nimco qawdhan (Wasiir ku xigeenki hore Caafimaadka), Xirsi Xaaji Cali wasiirki hore madaxtooyada iyo qaar kalo badan. Waxaaney xisbiga iyo xukuumadda kulmiye soo dhaweeysteen xubnihi ugu cad cadda xisbiga Udub.
La soco qeybaha dambey.
Eng Bashe Cabdi Gaboobe

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews