Ciyaaryahanka Cusub Ee Arsenal Perez “Waa Laacib Xirfadyahan U Ah Gunners”
September 8, 2016 - Written by Berbera Today
Weeraryahanka cusub ee kooxda Arsenal ay la soo wareegtay ee Lucas Perez ayaa diyaar u ah inuu “cidhiidhi geliyo” difaacyahanada horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan. Sidaasi waxaa sheegay saaxiibkiisa cusub ee Shkodran Mustafi.
Labada laacib waxay Arsenal soo gaadheen maalintii ugu dambeysay ee uu xidhmayay suuqa kala iibsiga ciyaaryahanadu. Waxaa laga kala keenay Deportivo iyo Valencia.