berberatoday.com
Dabley Hubeysan Oo Ganacsade Reer Puntland Ah Ka Afduubay Duleedka Burco Iyo Xog-warranka Maamulka Gobolka TOGDHEER
September 8, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Dabley aan la aqoonsan, ayaa habeen hore Duleedka Magaalada Burco ka Kaxaystay Ganacsade ka soo jeeda deegaanada  Maamulka Goboleedka Puntland ee Dalka Soomaaliya.

Ganacsadahan oo lagu magacaabo Muuse Cabdalle Maxamed ayaa waxaa la sheegay inay dableydu ka dajiyeen Gaadhi uu ku safrayay, lama sheegin meesha uu u socday Ganacsadahani, balse waxa la sheegay inuu ka yimid Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Warka 1-aad (8)Dableydan Kaxaysatay ayaa Ganacsadaha la galay Buuraleyda Gobolka Togdheer ilaa iyo imikana laamaha Ammaanka Somaliland gacanta kuma soo dhigin Dableydaasi Kaxaysatay Ganacsadaha.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd,  oo Xaley Wargeyska Himilo Khadka Teleloonka kula xidhiidhay, ayaa sheegay in Dableydaasi ay Ganacsadaha u kaxaysteen Aano hore, isagoo sheegay in Dableyda qafaalatay ninkaasi ay sheegeen in ay u haystaan Wiil ay qaraabo yihiin oo ku xidhan magaalada Garoowe.

“Warkaasi wuu jiraa, nimankaas  waa lagu daba jiraa, oo Buuraleyda ayay galeen” ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye, waxaanu intaa ku daray, “Waxay leeyihiin (Xaga Puntland ayaa Wiil) Maxkamad laga saaray ayay doonayaan oo ay u kaxaysteen, Ciidamada ayaa ku daba jira waxaanu jecelnahay ilaa Caawa (Xaley) inaanu soo qabano”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews