Dacwada Ka Dhan Ah Maayerka Gabiley Oo Loo Gudbiyey Madaxtooyada Yaase Gudbiyey Dacwada. Halkan Hoose Ka akhriso
Hargiesa (Berberatoday.com)- Gudida Masaajidka Nuur ee Magaalada Hargeisa ayaa Saaka Madaxtooyada u gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Kaalin Shidaal oo Maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cumar ka Dhisanayo Masaajidka Hortiisa,isla markaa Codsaday in la joojiyo Dhismaha Kaalintaasi. Culimaa,udiinka Masaajidka ayaa Dhawr Jeer Maayarka ka Dalbaday in uu parking Masaajidka udaayo oo meel kale Dawlada Waydiisto haddii uu Meherad Ganacsi ka Dhisanayo Balse aanu Masaajidka ku Cidhiidhyin Barxada hore ee ay Dadka ku Cibaadaysanayaa Baabuurta dhigtaan , balse ma ay suuro galin illaa hadda inuu Aqbalo Codsiga Gudida Masaajidka.