|
berberatoday.com
Dimuquraadiyadi Ma Jirto, Hadii aanay Jirin Saxaafad Xor ahi!. Bye Prof. Ahmed Azhari
September 8, 2016 - Written by Berbera TodayDistoorka Qaranka Somaliland, wuxuu si cad u qeexayaa in Saxaafadda Somaliland tahay mid xor ah oo madaxbanaan. Saxaafadda iyo Warbaahinta kale waxay kamid yihiin Xoriyaadka aasaasiga ah ee Ragi dhiibashada. Saxaafadda Somaliland waxay ka wakiil yihiin oo u hadlaan dad-weynaha oo wixii Warar iyo xaaladdaha jira ay ka haqab-tiraan. Sidaa awgeed waa in Xukuumadda Somaliland joojiso xadhiga deg-dega ah ee ka dhanka ah Saxafiyiinta iyo xarumaha Warbaahineed , aanay ula dhaqmin sidii cadow argagaxiso ah, isla markaana ay Xukuumaddu, dhawrto xuquuqda aasaasiga ah ee Suxuufigu helo xoriyad buuxda iyo nabad-gelyo, Si uu werwer la’aan ugu qori karo Fikirkiisa, waa in Saxaafigu xor u qoraa Wixii waajibaadkiisa shaqo khuseeya. Dimuuquraadiyadi ma jirto, hadii aanay Saxaafad Xor ahi jirin. Qore; Prof. Ahmed Azhari Email. Somaliland_2013@hotmail.com Hargeysa/Somaliland. COMMENTS
|
||||
|