Maxkamadda Distooriga Ah Ee Somaliland Oo Loo Gudbiyay Codsi Lagaga Dalbanayo Inay Joojiso In Diiwaangelin Iyo Doorasho Laga Qabto Lixda Goobood Ee Laysku Haysto
September 8, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Muwaadiniin reer Somaliland ah ayaa maxkamadda distooriga ah ee Somaliland u gudbiyay dalab ay ku weydiisanayaan inay xayirto in wax diiwaangelin iyo doorasho ah laga sameeyo lixda goobood ee waqooyiga Hargeysa ee ay dhawaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sheegtay in diiwaangelinta laga qabanayo.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in shacabkaas oo ah muwaadiniin ka soo jeeda gobalada Awdal iyo Selel ay codsigaas shalay soo gaadhsiiyeen maxkamadda distooriga ah islamarkaana ay maxkamadu ka qabatay, waxaanu intaas raaciyay inay darsanayaan codsiga muwaadiniinta.