berberatoday.com
Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye Oo Mar Kale Soo jeediyay In Dastuurka Somaliland La Furo
September 8, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Cabdiqaadir Obsiiye oo ka mid ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa Soo jeediyay in la ansixiyo xeerka la yaala golaha wakiilada Oo ogolaanaya in musharaxiin Madax bannaan u tartami karaan Kursiga Madaxweynaha Somaliland.

Warka SiyaasigaSiyaasigu waxa uu tilmaamay Muhiimadda uu xeerkaasi u leeyahay Shacabka reer Somaliland iyo muwaadin kasta oo danayna inuu wax ka qabto horumarka qaranimada  Somaliland.

Musharaxa Madax bannaan ee Cabdiqaadir Obsiiye ayaa sheegay in Saddexda Golle ee Xukuummada, Wakiilada iyo Guurtidu aanay doonayn inay wax  qabtaan balse waxqabadkoodii noqday Hadal aan ficil lahayn.

“Saddexdii Golle xukuumadii, Wakiilada iyo guurtidii waxaad mooda  hadal mooyee in aanu ficil ka muuqan (Sidii ay u ansixin lahaayeen Xeerkaas) wakhtiguna waa gabaabsi”ayuu yidhi Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye  waxaanu intaasi raaciyay “Ummaddu way harraadan tahay oo waxay doonaysaa wixii 25sano loogu baaqayay oo ah Himilo iyo Barwaaqo ee ay Hiigsanaysay,  Taasina waxaad moodaa inay ka cagajiidayaan Wakiilada, Guurtida iyo Xukuumaduba wixii loo doortay”

Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye waxaa uu sheegay in Xisbiyada iyo Baarlamaanka Somaliland meeqaam hoose ka joogaan bulshadii Dooratay islamarkaana loo baahanyahay Musharax ka madax bannaan Dhamaan Xisbiyada Somaliland.

“Maanta Xisbiyadii, Baarlamaankii iyo Xukuumadiiba halkay marayaan waynu ognahay, dalkuna waxaa uu u baahanyahay musharax Madaxwayne oo ka Madax bannaan intaasba”ayuu yidhi Siyaasi Obsiiye waxaanu intaas raaciyay “Shacabka waxaan u soo jeedinayaa haddii maanta la furi waayo xeerka ogolaanaya in musharax madax bannaan isa soo sharaxo, in baarlamaankii aynu dooranay wakhtigoodii dhacay oo ay meesha ku fadhiyaan Muddo dhaaf”

Gabagabadii waxaa uu musharax Madaxa Bannaan Cabdiqaadir Obsiiye Sheegay “Waxaa loo baahanyahay in dalka laga kaxeeyo Barta taagan yahay 56sano ee aan la iska fadhiyin meesha”ayuu  yidhi Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews