Wiil 12 Sano Jir Ah Oo Guulo Ka Gaadhay Ganacsi Uu Maskaxdiisa Ka Keenay
September 8, 2016 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Inta badan ee carruurta da’diisa ahi waxa ay ka warwaraan ee ugu badani waa in ay dhammaystiraan laylisyada xisaabta ee shaqo-guriga ah, laakiin Henry Patterson oo 12sano jir ahi waxa uu waajibaadkaas garab wadaa shaqo u isagu leeyahay oo ah ganacsi internet ka wax lagu kala iibsanayo, waxa aanu ka gaadhay guulo waaweyn oo la taaban karo.
Henry Patterson waa wiil ku nool degmada Bedfordshire ee gobalka Engalnd, jacaylka ganacsiga iyo horumarintiisa waxa uu ka hidde raacay hooyadii, waxa aanu ka gaadhay heer isaga oo maanta 12 sano oo keliya jiray in uu maamulo mashruuc ganacsi oo internet ka ah, laguna magacaabo Not befor tea (Shaaha ka hor ma’aha). Henry markii uu sagaal jirka ahaa, ayaa uu bilaabay in uu suuqa ku iibiyo xalwadda, laakiin dhaqso ahaa uu ganacsigiisu u horumaray, oo waxa uu u dallacay in uu iibiyo agabka yaryar ee guryaha, sida maacuunka, sharraxaadaha iyo waxa la mid ah. Waxa aanu dhowaan qoray buug uu kaga arramayo geeddiga ganacsigiisa oo uu qaab qiso ah u dhigay, isaga oo shakhsiyad kale isku mesaalaya, buuggaas oo aad loo iibsadya waxaa la yidhaahdaa, “The Adventures of Sherb and Pip”