berberatoday.com
Wiil 12 Sano Jir Ah Oo Guulo Ka Gaadhay Ganacsi Uu Maskaxdiisa Ka Keenay
September 8, 2016 - Written by Berbera Today

harry2London(Berberatoday.com)-Inta badan ee carruurta da’diisa ahi waxa ay ka warwaraan ee ugu badani waa in ay dhammaystiraan laylisyada xisaabta ee shaqo-guriga ah, laakiin Henry Patterson oo 12sano jir ahi waxa uu waajibaadkaas garab wadaa shaqo u isagu leeyahay oo ah ganacsi internet ka wax lagu kala iibsanayo, waxa aanu ka gaadhay guulo waaweyn oo la taaban karo.

Henry Patterson waa wiil ku nool degmada Bedfordshire ee gobalka Engalnd, jacaylka ganacsiga iyo horumarintiisa waxa uu ka hidde raacay hooyadii, waxa aanu ka gaadhay heer isaga oo maanta 12 sano oo keliya jiray in uu maamulo mashruuc ganacsi oo internet ka ah, laguna magacaabo  Not befor tea (Shaaha ka hor ma’aha). Henry markii uu sagaal jirka ahaa, ayaa uu bilaabay in uu suuqa ku iibiyo xalwadda, laakiin dhaqso ahaa uu ganacsigiisu u horumaray, oo waxa uu u dallacay in uu iibiyo agabka yaryar ee guryaha, sida maacuunka, sharraxaadaha iyo waxa la mid ah. Waxa aanu dhowaan qoray buug uu kaga arramayo geeddiga ganacsigiisa oo uu qaab qiso ah u dhigay, isaga oo shakhsiyad kale isku mesaalaya, buuggaas oo aad loo iibsadya waxaa la yidhaahdaa, “The Adventures of Sherb and Pip”

Hooyadii Rebecca oo warbaahinta uga warrantay horumarka yaabka leh ee wiilkeedu ka sameeyey ganacsiga Internet ka ayaa sheegtay in iyada qudheedu ay shaqo ku bilowday Siddeed jirkii, mar kastana samayn jirtay mashruucyo ganacsi oo wanaagsan, waxa ay sheegtay in wiilkeeda Henry isaga oo shan jir ah ay ka dareentay xiisaha uu u qabo ganacsiga iyo weliba sida uu ugu wanaagsan yahay, ereyada ay ka xasuusato hadalladii uu odhan jiray markii uu da’daas ahaana wawxaa ka mid ahaa, “Waa in aynu laba kiish ku soo iibsannaa qiimaha kiishka keliya la siiyo” Isaga oo sharraxaya sida ay ku suurtogeli karto.

In kasta oo wiilkan Henry Patterson uu haatan noqday ganacsade caan ka ah meelo badan oo dunida ah, haddana hooyadii weli gacanta ayaa ay ku haysaa waxa aanay jeceshay in aanu ka farobixin, in aanu si kibir iyo ladnaani ka muuqato u dhaqmin iyo in muhiimaddiisa koowaad ay noqoto waxbarashada. Hooyadii oo arrimahan ka warramaysa ayaa tihdi, “Si aad u adag ayaa aanu dugsigiisa u wada shaqaynaa, waa dugsi si fiican u caawiya Henry, waajibaadkiisa dugsiga ee laga rabo in uu habeenkii soo dhamaystirana waa uu soo qaataa, mararka qaarood isaga oo shaqooyinkiisa ku jira ayaa uu tareenka dushiisa kaga shaqeeyaa” Hooyo Rebecca waxa ay sheegtay in wiilkeeda ay ku heshiiyeen in uu waxbarashadiisa sii wato, isaga oo dhinaca kalana ka wata ganacsigiisa.

harry

 

Xigasho Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews