berberatoday.com
Yaab Dunida”Dalka Britain Oo Shaqooyinka Ku Bixinaya Labiska Qofku Xidhanyahay Iyo Xigmada Kujirta”Akhriso
September 8, 2016 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Arrin aad u layaab badan oo ah in qofka shaqo taga ah lagu qiimeeyo labiskiisa isaga oo  oofiyey dhamaan shuruudihii looga baahnaa lagu diiday oo kaliya midabka kabahii uu xidhan yahay iyo midbkooga amase dharka uu xidhan yahay.

1641b0a4-a011-4bb8-966b-853c6c39b2ef_16x9_600x338Waxaanay maamulayaasha shirkaduhu  u sameeyeen dadka shaqo doonka ah guddi gaar u ah oo eegaya nooca dharka iyo kabaha uu xidho.

Balse mid ka mid ah madaxda sare ee Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ee dalkaasi Britain oo la yidhaa Alan Melbarn ayaa waxa uu yidhi “Waxaan aad ugu xumahay in maamulayaasha shirkaduhu ay ku sii adkaysanayaan inay ku xidhaan qofka shaqo doonka ah nooca kabaha iyo dharka uu xidhan yahay iyaga oo aan u fiirsanayn cilmiga iyo khibrada qofka “.

Waxaanu soo bandhignay qof laga joojiyay shaqo uu ku guuleystay kaasoo loo soo diray warqad qoraal ah oo loogu sheegay inuu cilmi ahaan iyo khibrad ahaanba aad u sareeyo, balse nooca labiska ee uu xidhan yahay uu yahay mid aan u qalmin jagada uu tartanka u galay dhalliisha ugu weynina ay aheyd midabka kabaha uu xidhnaa oo buni ahaa.

Waxa kale oo Alan sheegay in shirkadaha gaarka loo leeeyahay aanay shaqaaleysiin da’yarta ka soo jeeda reeraha faqiirka ah ama noloshoodu adag tahay,  waxaanu tilmaamay in kaliya ardayda  ka soo qalin jabisa 6 ilaa 7  jaamacadood oo dalkaa ku yaalla ay qaataan, balse jaamacadahaasi ma’aha kuwo ay dhigan karaan ubadka qoysayska noloshoodu adag tahay, waxaanu ku booriyey dhamaan shirkadaha ka hawl gala dalkaasi inay dib u eegeen go’aamada ay ku kala saarayaan dadka shaqo doonka isaga oo sheegay in dhamaan dadka u tartamayaa ay u siman yihiin islamarkaana qofka ku guuleysta aan loo eegin labiskooda,  waxaanu cadeeyay in haddii shirkadahaasi ay wax ka badali waayaan go’aankooda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews