berberatoday.com
Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Oo Ku Fashilmay Dhabar-jebin Siyaasadeed Oo Uu La Maagana Musharraxa Xisbiga Ucid Jamaal+ Halac Dhagoole Oo Dhalinyaro Ku Shiriyey Sheekh Iyo Wacdarihii Kala Qabsaday…
September 9, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Berbera(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Xisbiga tallada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ku fashilmay shirqool Sumcad ka dilis ah oo uu la bar-tilmaameedsanaayey Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen. kasoo Taabaciintiisa u jooga Gobolka Saaxil ku amray inay shaqsiyaad dhalinyaro u badan iskugu soo Ururiyaan Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil, kuwasoo Been abuurta inay ku jiraan Xisbiga Ucid, isla markaana ay ahaayeen garabka Jamaal Cali Xuseen, kuna dhawaaqan inay iska casileen Xisbiga Ucid iyo dhaliilo na uu jeediyeen Musharraxa Xisbiga Ucid.

Qorshahan Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi la maagana aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa fashilmay kaddib markii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil Mr. Halac dhagoole uu degmada Sheekh Iskugu keenay 20-dhalinyaro ah, isla markaana u sheegay Ujeedada uu iskugu yeedhay, isagoo ku wargeliyey inuu Kharash u hayo ama Xaqul Cid, hase-yeeshee dhalinyarada looga baahan yahay fulinta qorshe Siyaasadeed uu xisbiga Kulmiye ka leeyahay Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, kaasoo u sheegay inuu Maalinta Berri Jimcaha ah uu Warbaahin usoo kiraynaayo, balse looga baahan yahay inay ku dhawaaqan inay iska casileen Xisbiga UCID, khaasatana garabka Jamaal cali Xuseen hoggaaminayo.

Markii uu ay weedhahaasi kasoo baxeen afka Gudoomiyaha Kulmiye ee Gobolka Saaxil, waxa isla markiiba dhawaaq dheer kaga dareen celiyey qaar kamid ah dhalinyaradii meesha la keenay oo aan ogayn ujeedada laga lahaa, kuwasoo diidmo qayaxan kala horyimi, Mr. Halac dhagoole. Hase-yeeshee Gudoomiye Halac waxa uu dhalinyaradii hadashay ugu jawaabay inay shirka dibeda uga baxaan, balse waxa mar kale afkaga kaga wada booday gabi-ahaanbaa dhalinyaradii madasha joogtay oo si wada jir ah gaashaanka u daruuray qorshaha uu Gudoomiyaha Kulmiye ee Saaxil u bandhigay, waxanay sheegeen dhalinyaraddu inay mustaqbal leeyihiin, sidoo kalena aanu ka Mutaysan Musharraxa Madaxweynaha xisbiga Ucid Jamaal cali Xuseen inay ula badheedhan qorshe dhabar jebin ku ah iyo wax kasta oo wax u dhimaaya.

Waxa kaloo, Warku intaa ku darayaa inuu Halac dhagoole intaa uu Mikirifoonkii dhulka kusii daayey uu dibeda usoo booday, halka dhalinyaradii oo weedho kulkuluul ku dhawaaqayana ay kasoo dareereen goobtii lagu shiriyey.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa sumcad xumo iyo guuldaro Siyaasadeed u horseedaysaa Hoggaamiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo muddooyinkii u danbeeyey ku hawlanaa isku dayo badan oo uu damacsanaa inuu kaga takahaluso Musharraxa Xisbiga Ucid Jamaal cali Xuseen, isagoo kaalin mugleh ka ciyaaray hurinta Khilaafka Xisbiga Ucid, waxana la sheegaa inuu yahay ka danbeeya Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali waraabe oo waqtiyadan danbe u banbaxay burburinta xisbiga Ucid, iyadoo waqti xaadirkan khilaafka Ucid maraayo kama danbeystii, isla markaana ay shalay Maxkamadda sare ee dastuuriga ahi muddaysay 18-9-2016-ka in lasoo gunaanadii doono dhegeysiga Dacwada labada garab. Lama ogga tallaabooyinka muuse Biixi qaadi doono marka uu Jamaal cali Xuseen kaga guuleysto dacwada, isagoo horena dhowaan Faysal iyo Muuse labadoodaba kaga adkaaday Wajigii hore ee dacwada oo ay qaaday Guddida Diiwaangelinta Ururadda Siyaasadda Somaliland.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews