berberatoday.com
Qisada Injineerkii Talyaaniga Ahaa Ee Lacagtii Uu Hoteelka Ugu Dhisayay Kala Baxsaday Qoyskii Siyaad Barre W. Q Prof Gaaxane Guuleed
September 9, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wakhtiyadii ay sii burburaysay awoodii Maxamed Siyaad Barre, ayaa mid ka mid ah xaaskiisii waxay bilowday inay hotel balaadhan dhismihiisa ka bilowday duleedka Muqdisho, gaar ahaan dhinaca xeebta Liido ee loo dabaasha tago.

 

Hoteelkaas waxa la geliyay lacagtii umadda, waxa qalabkiisa laga soo iibiyay dalka Talyaaniga, waxaana dhismihiisa gacanta ku hayay nin Talyaani ah oo ahaa Injineer ku takhasusay dhismaha oo ay qoyskii reer Maxamed Siyaad ka soo kiraysteen dalka Talyaaniga.

Hoteelka ayaa isugu jiray cunto iyo hurdo, waxaanu ka koobnaa dhawr dabaq, isagoo ku fadhiyay dhul balaadhan.

Dadka reer Muqdisho waxay u bixiyeen magacyo kala duwan. Qaarkood ayaa u bixiyay Hantidii umadda, qaar kalena waxay ugu magac dareen guryo loo yaqaanay Booli qaran oo ay niman wasiiro ahi waayadaas dhisteen, qaarna waxay u bixiyeen libaax ilko beelay, iyagoo magacan dambe uga jeeday in qoyskii Siyaad Barre bilaabeen lacag urursi iyo hanti boob ka dib markii uu libaaxii Siyaad Barre soo ilko beelayay.

Dadka reer Muqdisho oo beryahaas ay busaarad aad u ba’ani haysay, waxa ay niyadda ka naceen halka lacagtoodii la gelinayo, halka mushaharkii shaqaalaha ee loo kordhin lahaa lagu shubay, halka lacagtii ardayda dugsiyada lagaga bixin lahaa la geliyay iyo sida ay qoyskii reer Maxamed ugu tagri faleen lacagtii qaranku lahaa. Dabadeedna wuxuu qof waliba marka habeenkii cawaysyada la isugu yimaado ka sheekayn jiray hoteelkan iyo halka uu marayo. Bi macna kelima niyaddaa laga nacay hoteelkaas.

Waayadan waxa Maxamed Siyaad Barre isugu darsamay dhaawac ka soo gaadhay baabuur la dhacay, kacdoonada siyaasadeed ee ku socday iyo da’diisii oo runta u sheegtay. Dabadeedna wax badan oo lagala gaban jiray waayadan dambe waa loola badheedhi jiray maadaama oo aanu wax badan kala ogayn.

Ayaamihii dambe ayaa waxa mar keliya laga war helay hoteelkii oo uu dhismihiisii istaagay. Yaab iyo amakaag ayaa dadkii isugu darsantay, waxaana dadkii u dalxiis tagay xeebta liido ay soo ogaadeen in hoteelkii dhismihii ku socday istaagay. Yaab iyo amakaag. Qaar baa is yidhi taloow ma reerkii ayaa Alle soo hadeeyay, qaar kale ayaa isweydiiyay taloow ma lacagtii umadda iyo cashuurtoodii ayaa dhammaatay.

Hase yeeshee waxa aakhirkii la soo ogaaday in ninkii Talyaaniga ahaa ee dhismaha hoteelka gacanta ku hayay uu qoyskii reer Maxamed ka baxsaday isagoo ka sii taabtay lacag xad dhaaf ah oo loogu diray inuu ku soo iibiyo qalab qaali ah oo uu qiimeeyay. Ninkaas Talyaaniga ah oo marka hoteelada la isugu yimaado afka taagi jiray waxaan filayaa in magaciisu ahaa Mr. Peter Roberto.

Markii uu gaadhay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga islamarkaana uu ka baaraan degay xaaladda Somaliya oo wakhtiyadaas ku beegnayd 1989 dabayaaqadeedii wuxuu is tusay in Somaliya dumayso, cid soo qabsanaysaana aanay jirin ee uu lacagtan la baxsado. Sidii ayuu ku go’aan qaatay waanu la baxsaday lacagtii, dhismihii hoteelkuna halkii ayuu ku istaagay.

Qoyskii reer Siyaad Barre waxa ka dhacay wakhtigii. Waxa isugu darsamay inay hoos u dhigaan warka ninka lacagta adag kala baxsaday iyo inay la tacaalaan kacdoonadii ku socday nidaamkoodii daaquudka ahaa. Dabadeedna ninkii sidii ayay kaga hadheen isna sidii ayuu lacagtii ula baxsaday.

Sheekadan waxaan ku xasuustay nin aanu saaxiib nahay oo degen dalka Talyaaniga ayaa ii sheegay inuu ninkii laftiisii ku arkay magaalo ku taala waqooyiga Talyaaniga, dabadeedna ay is waraysteen. Wuxuu ninkii Talyaaniga ahaa ku yidhi saaxiibkay, “Lacagtiinii oo la boobayo ayaan aniguna badh la soo baxsaday, gaadhi madaarka Muqdisho ii yaalayna waxaan ku idhi gaadhigaas qaata oo kaxaysta intaan gabadh Maxamed Siyaad dhalay telefoon kula soo hadlay, welibana gaadhigana hantidii umadda ayuu ahaa.”

Bal amarka Alle hoteelkii wuu istaagay, waxaanu ku qabyoobay dhismihii koowaad oo aad hoosta looga soo dhisay wakhti iyo lacagna la geliyay. Miyaanay ku dhicin inkaarta shacabkii baahnaa ee cashuurtooda jeebadaha lagu shubtay.?

 

 

 

Xigasho Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews