berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Cali Warancade Oo Diiday Inuu Qabto Wakiilnimadii Dalka Itoobiya Ee Loo Magacaabay Iyo Sababta Keentay
September 9, 2016 - Written by Berbera Today

Cali WarancadeHargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Maxamed Warancade ee dhawaan xilkaas laga qaaday loona magacaabay Wakiilka Somaliland ee Dalka Itoobiya ayaa xilkaas diiday inuu qabto sida ay sheegayaan warar xogogaal ah oo aanu ka soo xiganay ilo wareedyo ku dhaqdhaw Cali Warancade oo hada kusugan Magaalada hargeysa.

Cali Warancade oo hore ushaaciyay inuu xilkaas qabanayo ayaa waxa lagu sheegay sababta diidmada hada keentay inay shir balaadhan ay la qaateen Beesha habar Yoonis ee uu kasoo jeedo kuwaas ka biyo diiday beel ahaan wasaarada xilkeeda laga qaaday iyo xilka Cali Warancade loo magacaabay oo ah mid meeqaamkiisu hooseeyo oo sida ay  sheegeen aan beel ahaan uqalmin inay Xilkii Wasaarada arimaha Gudaha Ku Bedeshaan wakiilnimo dalka debediisa ah oo aan qiimeheedu sarayn.

Siday caadadu ahaan jirtay hadiyo jeer Beel weynta Habar Yoonis waxa loo dhiibi jiray mid kamida wasaaradaha dalka kowooda ugu waaweyn taasina waa ta keentay in xilkaasi ay Beesha uu Cali Warancade kasoo jeedaa ay diido sidaasna ay talo ku gaadheen waa siday sheegayaan xogaha aanu diidamada Cali Warancade ka helay.

Sidoo kale waxa laga soo xigtay Cali Warancade inuu ka biyo diiday qaabka dawladnimadii dalka loo wado iyo Maamul xumada dalkii ka jirta ee la xidhidha dhinaca kireynta Dekeda Berbera iyo dagaalada laga hurinayo deegaanka bariga ee Ceel Afweyn oo xilka laga Qaaday Cali warancade isaga oo xalinta dagaalkaa labada Beelood ee walaalaha ah gacanta Kuhaya taasina ay keentay in labadii bilood isku dhacaan oo khasaare dhaawac iyo dhimasho isugu jiraa ka dhex dhaco.

 

 

 

Berberatoday.com

London Staff

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews