Xafladii Xalay Ee Baashe Morgan Iyo Colkii Uu Hogaaminaayay Ku Qabsadeen Hutel Green Plaza Oo Fajac Galisay Bulshada Iyo Fadeexadii Dulhognaysay
September 9, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xafladii Habeenkii xalay ay Hutel Green Palaza kuqabsadeen colkii Dekeda Berbera soo dhaxal wareejiyay ee uu hogaaminaayay Wiilka Madaxweyne Siilanyo sodoga Uyahay ee Baashe Morgan ayaa fac iyo amakaaga ku noqotay bulshada Somaliland.
Xafladaas oo umuuqtay mid cid gaari soo qaban qaabisay islamarkaana lagu diganaayay cid gaara ayaa waxa aad looga hadal hayay guud ahaan gobolada dalka gaar ahaan magaalada Berbera oo mukhaayadaha laga shaaho lagaga sheekaysanaayay waxa looga jeeday Xafladaas iyaga oo inta badan bulshada reer berbera u arkaayay mid iyaga loogu diganaayo oo la leeyahay waanagfaa wareejinay Dekeda Berbera cidkasta oo wax ku qabtay oo reer Berbera ahaydna waran haku liqaan, Waa sida ay bulshada reer Berbera intooda badani u arkayeen.