berberatoday.com
Xafladii Xalay Ee Baashe Morgan Iyo Colkii Uu Hogaaminaayay Ku Qabsadeen Hutel Green Plaza Oo Fajac Galisay Bulshada Iyo Fadeexadii Dulhognaysay
September 9, 2016 - Written by Berbera Today

xaflada-dekedaHargeysa(Berberatoday.com)-Xafladii Habeenkii xalay ay Hutel Green Palaza kuqabsadeen colkii Dekeda Berbera soo dhaxal wareejiyay ee uu hogaaminaayay Wiilka Madaxweyne Siilanyo sodoga Uyahay ee Baashe Morgan ayaa fac iyo amakaaga ku noqotay bulshada Somaliland.

Xafladaas oo umuuqtay mid cid gaari soo qaban qaabisay islamarkaana lagu diganaayay cid gaara ayaa waxa aad looga hadal hayay guud ahaan gobolada dalka gaar ahaan magaalada Berbera oo mukhaayadaha laga shaaho lagaga sheekaysanaayay waxa looga jeeday Xafladaas iyaga oo inta badan bulshada reer berbera u arkaayay mid iyaga loogu diganaayo oo la leeyahay waanagfaa wareejinay Dekeda Berbera cidkasta oo wax ku qabtay oo reer Berbera ahaydna waran haku liqaan, Waa sida ay bulshada reer Berbera intooda badani u arkayeen.

Sidoo kale Xafladan ayaa waxa ay dhinac ka matalaysay oo uga eekayd xaflad ay Beelo kamida Beelaha Somaliland ay dhigteen sanadii 1969kii markii dawladii Raysal Wasaaraha ka ahaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal la afgambiyay iyaga oo beelahaasi islahaa ku xumeeya Marxuum Cigaal balse aakhirkii farta dhexda ka qaniinay oo iyagii la hor gumaaday,

Xaflada maanta waxa ay u eektahay mid ay beelaha maanta xaflada dhigayaan dad hortii farta dhexda ka qaniini doonaan waana loo joogi doonaa hadii la noolaado.

waa dabciga Somalida in loo sacaba tumo wax aan dabadooda iyo waxa ka iman doona loo fiirsan.

Xaflada xalay ayaa aheyd mid ay soo buux dhaafiyeen Masuuliyiinta Xukumada katirsan iyo inta ay cagaha ku qataan iyo sidoo kale Xildhibaanadii biidhiqaatayaasha ahaa ee laaluushka ku qaatay Heshiiska hordhaca ah ee Dekeda Berbera lagu dhaxal wareejinaayay kuwaas oo iyagu isu sacaba tumaayay.

waxa kaloo isaguna dhex muuqday Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Hada uxuubsiibtay inuu gacan yare unoqdo Xukumada Kulmiye iyo Xisbigeeda sidee kalena raadinaya meeshii uu kala qabsan lahaa dhaqaalaha dalka ee la burburinayo.

xaflada-caaga xaflada-dekeda biidhiqaatayaal tuug-morgan

 

 

Cabdiraxmaan Hassan Axmed

Hargeysa/Somaliland

Rahmaanch@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews