Badhasaabka Gobolka Uu Ka Baxo Qaadka Miirooga Kenya Oo Sheegay Inaanu Arrimo Siyaasadeed U Booqanin Somaliland
September 10, 2016 - Written by Berbera Today
Meru(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Gobolka Meru ee uu Jaadka Kenya ka baxo, Peter Munya, ayaa ka hadlay Booqashadii uu dhawaan ku tagay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaanu sheegay inaanu Hargeysa u tagin arrimo siyaasadeed, ka dib markii Dawladda Soomaaliya joojisay Qaadkii Kenya uga tagi jiray dhanka Kenya, iyadoo ku sababaysay in Mr. Munya uu Hargeysa u tagay inuu ka shaqeeyo Aqoonsi ay Hesho Somaliland oo Madax-bannaanideeda 1991-kii kala soo noqotay Soomaaliya.
Munya, ayaa sheegay in aanu ka Qoomanayn doonin booqashadii uu dhawaan Hargeysa ku tagay, sababtii uu u booqdayna ay ahayd inuu suuq u raadiyo beeralayda Gobolka Meru ee dalka Kenya oo noloshoodu ay ku tiirsan tahay ganacsiga Qaadka ama Jaadka.