berberatoday.com
Lixda Goobood 5 Waa Awdal Midina Waa Saaxil, Cismaan Cabdi Haybe
September 10, 2016 - Written by Berbera Today

Lixda Goobood 5 Waa Awdal Midina Waa Saaxil, Cismaan Cabdi Haybe

Wixii dad ku heshiiyaan waa sharci. In wixii lagu heshiiyey sidii loogu heshiiyey u fulaana waa cadaallad. Hadii wixii lagu heshiiyey fuliwaayaana sharcigu wuu jabaa. Nin walbana waa hortaa banaan markan. Inteynaan isku buuqin aan su’aal is warsanee: Horta maxaynu ku heshiiney?

Waxaan jeclahay inaan kelmed ku darsado maanta muranka lixda goobood ee dhaca waqooyiga Maroodi-jeex, galbeedka Saaxil iyo barriga Awdal, kuwaas oo kala ah: Cabdi Geedi, Hulka, Ceel-laheley, Ceelsheekh, Bildhaanley iyo Damasha.

Kama hadlayo dadka goobahan degani hayb ahaan cidda ay ku abtirsadaan ama dhulka laftiisa cidda iska leh. Ma Gababuursi baa leh? Ma Ciisaa leh? Ma Isaaq baa leh? Mooyi. Waxaan ka hadlayaa goobta lafteedu gobolka ay ka tirsantahay sida Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland aqoonsanyahay.

Markaan baadhey khariiradaha Jamhuuriyadda Somaliland, laga soo bilaabo wakhtigii gumeystihii Ingriiska ilaa maanta, waxaa ii soo baxay inaanu dhulkani dhulkaba oolin. Waxaa rogeysey madbacada maababka sameysa ilaa lixdankii, maalinbana meel ayaa la raacinayey. Mar waxaa la raaciyey goobahan gobolka Awdal mar kale Saaxil iyo Waqooyi Galbeed oo isku mid ah marna Gebiley.

Raacinta dhulkan la raaciyey Gebiley marnaba sharci muu noqon. Distoorka Somalilandna ma aqoonsana, idinkana wakhti idinkaga lumin maayo. Sidaas awgeed, waxaan ku koobnaan doonaa muranka Hargeysa, Berbera iyo Boorama ka dhexeeya goobahan dartood iyo Distoorku gobolkuu raaciyey muran la’aan.

Aan ku horeeyo Distoorka dalka. Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland: Xeer LR. 23/2002, oo kaabis iyo kordhina lagu sameeyey 2007, Qodobkiisa 7aad, Farqadihiisa 1,2,3 iyo 4  waxay dhigayaan sida tan:

1.    Xuduudaha lixda gobol ee Jamhuuriyadda Somaliland ka kooban tahay waxay ku salaysan yihiin xuduudihii ay lahaan jireen lixdii degmo ee waaweynaa ee jiray xiligii Ingiriiska, ka hor 26/06/1960. Lixdaas degmo waxay kala ahaayeen: Hargeysa, Burco, Ceerigaabo, Laascaanood, Boorama iyo Berbera. Degmooyinkaasi waxay isu beddeleen gobolladda Jamhuuriyadda Somaliland hadda ka kooban tahay.

2.    Degmooyinkii hore loo magacaabay xilliyadii xukumaddii hore ee Soomaaliya, kana farcamay lixda degmo ee ku xusan qodobkan farqadiisa 1aad, waxay noqonayaan xududihii degmooyinka xiligii Ingiriiska ee ay ka farcameen haddana ah lixda gobol ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3.    Degmooyinka darajada “D” waxa loo samayn doonaa golayaal deegaan marka xuduudahooda la sugo, dib u qiimayn degmona lagu sameeyo, goleyaashuna ansixiyaan.

4.    Degmo kasta oo la magacaabo waxay xuduudaheedu ku jirayaan xuduudihii gobolka iyo soohdimihii degmada ay ka farcantay.

Markaad eegto, hadaba, xariijimaha maabka wixii ka horeeyey 26kii June, 1960, shanta goobood ee kala ah Cabdi Geedi, Hulka, Ceel-laheley, Bildhaanley iyo Damashu waxay ka tirsanaayeen loogana codeyn jirey gobolka Awdal. Aan ku celiyo. Shantan goobood waxay ka tirsanaayeen, sida uu qabbo Distoorku, gobolka Awdal, codkoodana waa in la raaciyaa gobolka Awdal. Goobta lixaad oo ah Ceelsheekh waxay iyaduna ka tirsaneyd loogana codeyn jirey gobolka Saaxil. Iyadana waa in la raaciyaa oo looga codeeyaa Saaxil.

Marnaba wax muran ahi kuma jiro goobahani meeshay raacsanyihiin, sida uu qabbo Distoorka dalku. Hada bal u fiirso. Waxaan ka hadlayaa siday tuulooyinkani ugu kala yaalaan dhinacyada xariijimaha kala xadeeya gobolada iyo degmooyinka ay ka tirsanaan jireen.

Sharcigii Waqooyi Galbeed hoos geeyey dhulkan weynu nasakhney. Sharcigaasi waa kii Berbera iyo gobolka Saaxil hoos geeyey Hargeysa. Weynu diidnayoo waxaynu nidhi Saaxil waa inay noqotaa gobol buuxa.

Degmooyinkii Ingiriiskii hadeynu gobolo ka dhiganey, sida uu dhigayo Distoorku, xuduudaha gobol kastaa waa lama taabtaan. Sida uu ina farayo sharcigu, waa ineynu ilaalinaa, aqoonsanaa oo tixgelinaa gobol kastaa xadka uu la leeyahay gobolka kale.

Tuuladayada waxaan ula guurayaa tolkey malaha waxaa ka haboon inaad tolkaa adigu u guurtid keligaa, muranka aabihii goblamayna dadka ka deysid!

Dhicimeyso inaynu xadadka gobolada ka dhigno xaafadaha dhexdooda hadana qaran iyo dal sharci leh sheegano. Marba halka ay reer hebel ugu badineyso ineynu xariijimaha marsano kuna murano inaga socon mayso. Wixii aynu ku heshiiney inaynu tixgelinaa waa waajib, una fulinaa sidii aynu ugu heshiiney inagoo dhan.

Wada jirka dadkeena iyo dalkeenuba wuxuu ku jiraa inagoo wax wada yeelana.Hargeysi waa Caasimadeenii. Awdal waa hoygii aqoonteena. Arrinka lixdan gooboodse, Caasimadu wey khaldantahaye aan saxno. Sharci ay Hargeysi goobahan ku sheegan kartaa kuma jiro Distoorka dalka maanta. 

 

Wabilaahi-tawfiiq,

Cismaan Cabdi Haybe

 Inline image 1

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews