Raysal Wasaarihii Hore Dalka Kenya Raila Odinga Oo Booqasho Ku Imanaya Somaliland Iyo Ujeedada Socdaalkiisa
September 10, 2016 - Written by Berbera Today
Nairobi(Berberatoday.com)-Raysal wasaarihii hore dalka Kenya Mr. Raila Odinga, ayaa la filayaa inuu booqasho rasmi ah ku yimaado Jamhuuriyadda Somaliland todobaadka soo socda,
ka dib markuu martiqaad ka helay xukuumadda, sida ilo xog-ogaal ah u xaqiijiyeen DAWAN. Booqashada Mr. Odinga, oo xilligan ah hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ugu weyn dalka Kenya ee ODM oo dhowaan khudbad uu ka jeedinayey guriga Chatham ee Ingiriiska ku shaaciyey inuu aaminsan yahay in Somaliland xaq u leedahay madax-banaani ay caalamka ka hesho ayaa la sheegay inay ku wehelin doonaan saraakiil sar-sare oo xisbigiisa iyo baarlamaanka Kenya ka mid ah oo wada xaajood dhinacyo badan la yeelan doona madaxda Somaliland.