Hanjabaadda Uu Wasiir Xaashi U Diray Warbaahintu, Ma Qorshe Cusub Oo Madaxweynuhu Saxaafadda Ku Waajahayaa?
September 11, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Saxaafadda madaxbanaan ee Somaliland ayaa si weyn uga gilgilatay hadalo hanjabaad iyo digniin isugu jira oo uu wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, hawada u soo mariyay.
Wasiir Maxamuud Xaashi oo ay wejigiisa cadho badani ka muuqatay, ayaa wuxuu saxaafadda madaxabanaan qaarkeed ugu hanjabay in dalka laga xorayn doono isagoo ugu soo hal qabsaday qolyo uu sheegay in ay qori siteen oo dalka laaga xoreeyey.
Qaar ka mid ah warbaahinta madaxabanaan oo shalay kulan ku qabtay Hargeysa ayaa si weyn uga gilgishay hadalkii Maxamuud Xaashi Cabdi oo isugu jiray eedayn, digniin iyo hanjabaad culus, waxaanay sheegeen inaanay saxaafadda Somaliland gayin eedaha islamarkaana aanay u qalmin in hanjabaado noocaas ah hawada loo soo mariyo.