berberatoday.com
Qaar Kamida Warbaahinta Madaxa-banaan Ee Ka Hawl Gala Hargeysa Oo Madaxtooyadu Ku Amartay Inay Masaxaan Muuqaalo Ay Kaga Jawaabayeen Hadal Hanjabaad Aha Oo Ka Soo Yeedhay Wasiir Maxamuud Xaashi
September 11, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Qaarka mid ah Warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gala magaalada Hargeysa ayaa maanta kulan ay iskugu yimaadeen waxay si kulul uga jawaabeen hadalo iskugu jirey dhaliilo iyo hanjabaado oo ka soo yeedhay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Hadaladaas oo Wasiirku uu si indhola’aan ah ugu goodiyay Saxaafadda inuu qaar kamid ah dalka ka xorayn doono albaabadana u laabi doono Xarumahooda.
Shirkaasi jaraa’id oo ay qabteen Saxafiyiintan ayaa waxa markii uu maqlay si wayn uga gubtay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaga ay ku socotay Jawaabtu, waxaana dhammaanba Wariyayaashii halkaasi ka hadlay si deg deg ah loogaga yeedhay Aqalka Madaxtooyada Somaliland, iyadoo markii ay yimaadeen Madaxtooyada lagu amray inay masaxaan muuqaaladii iyo sawiradii la duubey ee ay saxafiyiintani kaga jawaabayeen hadalkii deel qaafka ahaa ee iskugu jirey hanjabaadaha iyo dhaliilaha kana soo yeedhay wasiir Maxamuud Xaashi.
Geesta kale Saxafiyiinta ayay Madaxtooyadu ku amartay inaanay baahin wax muuqaal iy sawiro ah oo la taxaluqa jawaabta ay Saxafiyiintu siiyeen Wasiirka, taas oo hirgashay oo badidoodi la masaxay. waxana la sheegay inuu Wasiirka saxaafadda u qaybiyey dhaqaale lagu sheegay xaal marin, isla markaana waxa la sheegay inuu ugu balan qaaday kulan danbe inay yeeshan, isagoo ugu bushaareeyey warfidiyeenada inuu Mahsruuca Dp World ka siin doono xayeysiis.
Ilaa hadda lama garnayo sababta dhabta ah ee Wasiirka Madaxtooyadu ugu dhaqaaqay talaabadan uu ku amraayo Wariyayaasha inaanay baahin jawabtooda maadama isagu markii hore janjabadiisa baahiyay. Dhinaca kale Wasiir Maxamuud Xaashi oo inta badan lagu tilmaamo siyaasi dagaalada siyaasadda si deg deg ah u gala balse hadana caban oo aan adkaysan ayay u muuqata inuu dhibsaday jawaabta Saxafiyiintii hadashay.
Xigasho Xogreebnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews