berberatoday.com
“Wareegtada Madaxweynuhu Soo Saaray Waa Mid is-burinaysa, Arrinka Ucid Waxa Weeye Aqal Ashkato Ku Jiraa Nina Muftaaxiisa Lama Siiyo..Somaliland Waxa Ku Gedaaman Shaki Weyn,Wada-hadalladii Somaliland Iyo Soomaliya Ee Socdayna Weli May Go’in”. Xildh Maxamed Faarax Qabile.
September 11, 2016 - Written by Berbera Today

“Awdal oo Somaliland Madaxweyne kasoo noqotay, oo ku xigeen noqotay, ma maanta dib-u-heshiisin lala geleyaa, sharaf dhacbay ku tahay qaranimada Somaliland iyo gooni isku taa-geena… Ururadda Bulshada ra’yidka ah xil Dastuuri ah looma diran, Akaademiga nabadana Xil Dastuuri ah looma diran. Gudoomiye Cirro-na Xilbaa saran. Masiirkii Mustaqbalka Somaliland waxa uu yimi Cunaha. Kala qaadka labada Doorasho wax kalifay oo culeys ah oo laga cawday ma jiro, Dooneriskuna waxay yidhaahdeen hadaad kala qaadan ta kalena shaqo kuma lihin”.Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa soo saaray War-murtiyeed dhinacyo badan taabana, oo uu kaga hadlay Wareegto Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ku dalbaday in labada doorasho ee isku sidkan lagu kala qaado. Xildhibaanka oo ka dayriyey xaaladda dalka, ayaa War-murtiyeedkiisa ku yidhi sidan

“Kala qaadka labada Doorasho wax kalifay oo culeys ah oo laga cawday ma jiro, Dooneriskuna waxay yidhaahdeen hadaad kala qaadan ta kalena shaqo kuma lihin, halkaana doorashadasi waa mid aan Standar lahayn, ileyn caalamka waxbaynu ka rabnay’e Doorashadaasi waxay noqonaysaa mid aanay Saaxibadeena Dunidu aqoonsanayn. “Anigu ma garanaayo Madaxweynuhuu wuxuu warqada u cuskaday, ta kale isaggu markuu raaciyey Warqaddii Koffarin Leetarka ahayd ee Komishanka, kaddib inuu ka daba-tago xaq umu lahayn,

kala qaadka labada doorasho waa inay sabaabo keenaan, galabtana wareegtadii Madaxweynaha kasoo baxday Doonarisku kumay Jirin, wareegtadaasi qaranimadii Somaliland khatar ayey gelisay, waxana loo baahna intaanu madaxweynuhu qoraal samayn in la iskaga yimaado arrimahaas oo dhan. Saddexda xisbi talo ay u dhan yihiin ma jirto, ina Cali Waraabe im umadda lagu sii daayo maha ilaayo Xisbigu Maxkamada kasoo baxo, markaa arrintaasi waxay sheegaysaa Madaxweynaha iyo xisbul-xaakimka ayaa is taageeray.

Anigu waxaan kamid ahay Xildhibaanada loo Kordhinaayo, waxanan u arkaa qayrul sharci, meelna aan kaga sanbanaaneyn sabab korodhsiimo keentaa, waxanan is leeyahay maadaama oo Madaxweynuhu yidhi guddi ayaan u saaraya, isagga laftiisu aanu tagayn ee Korodhsiimo meesha ku jirto, markaa dalka waa la kaharaabinayaa’e maaha sax ah. Golaha wakiiladu hadday Xeerka kala qaadana, waxay geleyaan Fadeexadii ugu xummayd.

Arrinka Saamiga laftiisa ayaa khaldan, dhowaan markii ay is qabsadeen Jananka Booliska, Wasiirka arrimaha gudaha iyo Xisbiyaddu waxay Maxkamaddu soo saartay go’aan ay lahayd 2001-dii laga bilaabo Dalku wuxuu noqday Dastuuri, wuuna ka tagay Beelihii. Markaa arrinka Maxkamadda iyadoo la tixraacayo ma jirto tiro yar oo beelo gaar ah iyo Tiro badan oo beelo ah.

Somaliland waxay soo jirtay 25-sanadood, dib u heshiisin qaran waatii uu Marxuum Cabdiraxmaan Tuur galay, arrintaasina waxay weeye 25-kii Sanadood ee iga horeeyey waxba may jirin weeye. Ta kale Dastuurka Somaliland u yaala xuquuq siman ayuu siiyey Muwaadiniinta oo dhan, halkaana meel ay kaga xusan yihiin dad tiro badan iyo kuwo tiro yari ma jirto, muwaadiniintu xuquuqda Doorasho way u siman yihiin Lab iyo dhedig, si kastaba way u siman yihiin. Laakin meel dad laga tiro badan yahay lagu sheegay kuma jirto Dastuurka dalka u yaala.

Arrinka Wareegtadu markaa danaha hoose ee uu leeyahay ee mugdiga ah ayey muujinaysaa oo arrin cad maha. Madaxweynuhuu intaas uu xusay wuxuu ka doonaya taageero aanan garanayn meeshay ku jihaysan tahay. 30-ka Bisha waxa loo kordhiyey Madaxweynaha Somaliya ila October, waxa ay sheegeen in hoggaamiyaasha Soomaliya oo dhan lagu qanciyey wada-hadalo soo socday muddo dheer, Baarlamaanadoodii-na ay xulayaan. Markaa Somaliland waxa ku gedaaman shaki weyn, wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaliya ee socdayna weli may go’in, tii ugu danbeysay Xukuumadeena ayaa tidhi Masar ayaa na dhex-dhexaadinaysaa, waana Seled lagu sido wada-hadalladaasi oo marna Turkiga la geynaayo, marna Caalamka geynayso. Shakigeeda ayeyna leedahay in Jamhuuriyaddan ay u dhamaato October-ba dareenkeeda ayaan leeyahay, markaa Geel aan hali ka dhalinbaa Gaawaha loo culayaa.

Markaa arrintaasi waa mid kahatar ah, oo ilaa xisbigan laga been abuuraya ee Maxkamada ku jira ee kala Laa’laada garabna awooda la siiyey, waa nagu xaqdaro in la yidhaahdo Ucid-baa go’aanka waxku lahayd oo Faysal Cali Waraabe la tixgeliyo. Marka arrimahaas oo dhan la isku soo xooriyo waa mid halis ah oo Mugdi badani ka soo muuqdo. Markaa arrinka Ucid waxa weeye aqal ashkato ku jiraa Nin Muftaaxiisa lama siiyo.

Awdal oo Maanta Somaliland Madaxweyne kasoo noqotay, oo ku xigeen noqotay, ma maanta dib-u-heshiisin lala geleyaa, sharaf dhacbay ku tahay qaranimada Somaliland iyo gooni isku taa-geena. Marka Madaxweynaha geedi socodkiisani waa mid ka duwan Geedi socodkii Somaliland, mana garanayno halka uu gadhka ku hayo.

Anigoo kamid ah golayaasha la leeyahay waxbaa loo kordhinayaa, caawa aniga waxa igaga weyn muddo la i Kordhiyo qaranimada Somaliland waxyaabaha ka hor imanaaya, anigu sed u qaadan maayo ee waxan nasteex u samaynayaa dalkayga iyo dadkayga. Ururadda Bulshada ra’yidka ah xil Dastuuri ah looma diran, Akaademiga nabadana Xil Dastuuri ah looma diran, Madaxweynuhuna waa kii dalka ugu sareeyey, oo weliba ah Nin gole sharci dejineed soo maray oo garanaya xeerarka dalka. Arrinta uu leeyahay waxbaa u kala qaadaya, waxay burinaysaa guddi baan u saaraya, yacnihii arrintaasi Nin ku joogaya maha.

Wareegtada Madaxweynuhu soo saaray mid is-buuxinaysa ama is dheeli tiraysa ama macne qaranimadii Somaliland ku cad samaynaysa maha, mana aha Dastuurkii dalka iyo Xeerarkii waxa lagu bedelayaa Bulsho ra’yid ah, mana aha in halkii dalka laga soo bilaabay lagu noqdo. Arrinta Saamigana waa in maxkamada sare loo qoro, oo ahayd tii go’aankii hore ee Doorashadii golaha wakiiladda lagu galay dhigtay.

Markaa waa Xil gudasho la’aan Madaxweyne Axmed Siilaanyo sameeyey, inuu Maanta Cid kale u eeggo maaha, cudur daarka Maxkamaddu dabarka ku furaysaana waakaa, hadii Madaxweynuhu daacad yahay, warqad Maxkamadda sare ha u qoro sidii dabarka laga fuuri lahaa, haduu keeni waayana Gudoomiyaha golaha wakiiladdu wuu ku khasban yahay inuu Maxkamadda sare u gudbiyo Warqad, Gudoomiye Cirro-na Xilbaa saran. Masiirkii Mustaqbalka Somaliland waxa uu yimi Cunaha, in markaa go’aanka lagu sababeeyo Xil gudasho la’aan Xukuumadan ka timi awadeed ayuu go’aanka saamiyaddu u baaqday. Maadaama baahidii loo qabay aanay weli la gaadhin xal, labada doorasho si waafaqsan wadatishigii xisbiyadda, Koomishanka iyo Doonariska, wixii mar hore dhamaaday ayaa la khalkhalinaya, Madaxweynuhu inuu doonay Doorashi tii deegaanka oo kale ah ayuu doonaya, taasina amni xumo iyo kala yaac ayey inoo horseedaysaa.

Waa Bilahi Tawfiiq

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews