berberatoday.com
Hadaan gacanta u qaado Cirro sida warqadda ayaan jeexjeexi karaa cid ka liidata oo maanta musharax ihina ma jirto” Muj.Cali Yuusuf.
September 12, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeisa (berberatoday.com)-Gudoomiye Ku Xigeenka Seddexaad ee Xisbiga Ucid ayaa Kabaha la dulmaray C/raxmaan Cirro iyo Warbaahinta Beeshiisa Waxaanu Boggiisa Facebook-ga uu ku leeyahay kusoo Bandhigay Maqaalkan oo udhignaa sida tan.

“Tani waa qabyaalad qaawan iyo xumaan toos ah ee cidda Cabdiraxmaan Cirro ka musuqmaasuq badani waa ayo? Xaguu ka keenay hantida qaranka ee uu haysto ee guryaha loo dhisay? Goormay kala baydheen isaga iyo xukuumaddu toban sanadood ayuu qaadanay 800,000 oo doolar sanadkii oo wakiiladu leeyihiin cid ka xisaabin jirtayna aanay jirin. DP World miyaanu keligii ka soo qaadin. Hargeysa markuu yimi Golaha Wakiilada wixii ka dhacay miyaanu isaga ahayn cidda la isticmaalay ee laaluushkii la bixiyay isagu qaybinaayay ee intii reerkiisa uun hoosta ka siiyay. Ragii ku daba dhintay reerahoodii ugu dayroobay ee kuwii ka xigay oo jooga isaga ka raacay xaguu kaga tegay. Laba reerkiisa ah inu yidhaa Siciid Cilmi Rooble is barbar taaga miyuu kari waayay. Ma hal qof buu u waayay oo reerkiisa ah? Maya umuu waayin ee wuu u kasay inu ka hiiliyo.

Waxaas iyo wax daran baanu ognahay oo weliba nin Madaxwayne doonayaa muxuu uga maarmi la’ yahay Gudoomiye nimada saw dheef uu ku qabo maaha. Muddo kordhinta Wakiilada hoosta wuu ka ogol yahay kamana badheedhi karo. Inta ay inan wax ka sheegeeda u banbaxayo mar keliya maxay Cirro wax uga sheegi la’ yihiin isaga ayaa kun iyo kow ceebood lehe? Saw qabyaalad maaha? Hadda madaxwaynena Cabdiraxmaan Cirro ayuu la doonayaa? Hadaan gacanta u qaado Cirro sida warqadda ayaan jeexjeexi karaa cid ka liidata oo maanta musharax ihina ma jirto” Muj.Cali Yuusuf.

guray

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews