“Faysal Cali Waraabe Waa Eedaysane Maxkamadi Ku Socoto Xisbiga UCID na Ma Matalo “.. Jamaal Cali Xuseen Daawo Muuqal
September 12, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Jamaal Cali Xussen Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID ayaa waxaa uu ka hadley sida uu u arko go,aankii uu madaxweyne Siilanyo ka gaadhay arimaha saami qeybsiga kuraasta golaha wakiilada isla markaana uu ku kala qaadey labada doorasho ee wakiilada iyo Madaxtooyada
Musharaxa ayaa waxaa uu sheegay in go,aankaasi madaxweynaha ka soo baxay ay fiirsan doonan isla markaana ay ka tashan doonan xisbi ahaan
Sidoo kale Jamaaal Cali Xussen ayaa waxaa u sheegay in Faysal Cali Waraabe o isagu arintaasi soo dhaweeyey aanu matalin xisbiga UCID isla markaana uu yahay shaqasi ay dacwad kaga socoto maxkamada afka xisbiga UCID na aanu ku hadli karin mar hadii uu eedeysane yahay