Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland oo xilka laga qaadaayo laguna bedlaayo……..
September 12, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Hargeysa,/Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed ayaa lagu wada in dhawaan xilka laga qaado, sidaasi waxa shabakada qarannews, u xaqiijiyay ilo ku dhow dhow madaxtooyada.
Wararku waxa ay sheegayaan in marwada madaxweynaha Amina Waris iyo wasiirada maaliyada Samsam Cabdi Adan ay wadaan qorshe lagu badalaayo, gudoomiyaha maxkamada sare Adan Xaaji Cali, arintani xil ka qaadista gudoomiayaha ayaa waxa sidoo kale madaxa u luxaaya oo taageersan xubno sar sare oo ka mid ah xukumadda Siilaanyo gaar ahaan wasiirada aan dhicin.
Gudoomiye Adan Xaaji Cali ayaa wax weyn ka bedelay armiha maxkamada sare, waana nin aan ka libiqsan sida uu xaqu yahay iyo sidoo kale tixgaliya dastuurka dalka isla markaasina ka dheer guulwadanimo iyo nacamlayn, waxna xiligani dalka ku soo socda oo ay xukumaddu galisay qas siyaasadeed oo ay qaarkood maxkamada sare gali doonto sidaas awgeedna looma arko in gudoomiye Adan Xaji Cali uu garab siin doono gardarooyinka xukumadda, sidaas awgeed waa in la bedelaa taasina way socotaa waxna la filayaa in dhawaan lagu dhawaaqi doono bedelkiisa.
Waxana qoyska Siilaanyo iyo inta ku dhow dhowi ay wadaan in xilka gudoomiyaha maxkamada sare loo magcaabo ama dhiibo shaqsi ka soo jeeda gobolka Awdal oo ay imankaba dhowr jeer la kulmeen shaqsigaasi oo dhawaan dibada u soo bixi doona.
Qarannews.com