berberatoday.com
Malayshiyaad Khaatumo Oo Qalabkii Diwaan Galinta Ka Qaatay Goob Kamida Goobaha Gobolka Sool Iyo Askar La Afduubtay Oo La Layahay”Daawo Muuqal Iyo Sawiro
September 12, 2016 - Written by Berbera Today

Laascanod(Berberatoday.com)-Wararka hadda naga soo gaadhaya Laascaanood ayaa tilmaamaya in Saddex Sanduuq oo yaalay Dugsiga Sare ee Muuse Yuusuf ee magaalada Dhexdeeda ah xalay la soo weeraray gebi ahaanbana la rartay.

Kooxda Nabad diidka ah ee  Khaatumo ayaa falkan samaysay oo uu hogaaminayey Taliye Faysal Maxamed Xasan Falaalug ayaa 3dii habeenimo weerar ku soo gashay Laascaanood iyagoo hubkii ka dhigay ilaaladii goobtuna.

Hal askari oo ka mid ah ilaaladii Diiwaangelinta  una dhashay degaanka  Gobolka Saaxil [Beesha Ciise Muuse – Abokor Ciise], laguna magacaabo Rooble Warsame Faarax [Rooble Cadare], ayaan ilaa hadda wax war ah laga haynin kaasoo ay kooxdan dableyda ahi ku kaxaysteen  qalabkii diiwaangelinta ee ay rarteen lamana garanayo meel ay la tageen.

Arrintani waxay fadeexad weyn ku noqonaysaa maamulka Gobolka Sool, hay’adaha amniga ee gobolka iyo komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland sidoo kale Wasiirka Cusub ee arimaha Gudaha oo deegaankaas udhashay.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xukumada Somaliland iyo Komishanka Doorashooyinka, haseyeeshee sida kor ka muuqata Ciidamada kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo waxay soo baahiyeen muuqaalkii koowaad oo cadayn buuxda u ah falkan.

Wixii war soo kordha kala soco shabakada laascaanood.com.

Sidoo kale waxa alabka la qaatay lala afduubtay oo malayshiyaadka Khaatumo ay kaxaysteen askari katirsan ciidamada Booliska oo lagu magacaabo Rooble Warsame Faarax(Rooble Cadare)

 

123456789

 

Xigasho Laascanodnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews