“Taa Macnaheedu Waxa Weeye Kenya Waxay Danaynaysaa Inay Heshiis Iskaashi La Gasho Maamulka Somaliland..”wasiirka Arimaha Debeda Kenya
September 12, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay danaynayso inay Somaliland la gasho heshiis iskaashi oo dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadaba isugu jira, si loo awoodo in layska garabsado balaadhinta iskaalmaysiga iyo in gacana laga siiyo somaliland meelaha iskaashigu ku salaysnaan karo sida dhismaha jidadka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Mrs Aamina Maxamed ayaa sheegtay in dalkeedu dananayo xidhiidh wax wada qabsi oo buuxa oo ay la yeeshaan Somaliland, isla markaana waxay xustay in xidhiidhkaasi uu yahay mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba. Wasiirku Waxay xusty in Kenya iyo Somaliland ay iska kaashan karaan dhinacyada Kaluumysiga, Beeraha, Xoolaha nool, Caafimaadka, Waxbarashada iyo xitaa Macdanta, waxa kale oo ay intaa ku dartay inay jiri karaan waxyaaba kale oo xiiso leh oo ay iska kaashan karaan labada dal. Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya waxay sheegtay in haatanba ay Somaliland ka shaqeeyaan oo joogaan dad badan oo xirfadlayaal ah, kuwaasoo u jooga shaqooyin kala duwan oo ay ka hayaan Somaliland, sida; macalimiin, shaqaale ka shaqeeya hay’adaha Qaramadda Midoobay ee ka hawl gala Somaliland, hay’adaha caalamiga ah, kuwa wadaniga ah iyo meelo kale.