berberatoday.com
“XIGMADU MA’AHA INAANU DEEQ WAXBARASHO HELAY EE MUHIIMMADU WAA SIDAAN CADDAALAD UGU QAYBIYO!!”
September 13, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

W/Q: Cabdikariin Axmed Mooge

ina-axmed-moogeWaa war farxad weyn u leh qarankan in dawlada Ethiopia ay siisay Somaliland deeqo waxbarasho oo dhan 115, waa abaal iyo waxtar weyn, Waxa’se uu warwar naga hayaa in sidii kuwii hore loo musuq-maasuqo oo cid aan xaq u lahayn la diro sidii dhacdey sanadkii tagay oo laba nin oo isku reeri siday donaan u maamusheen deeqdii waxbarasho ee Ethopia ina siisay.

Waxaan wasiirka waxbarashada oo aan ixtiraam weyn ugu hayo in uu aad uga qaliyay sidii loo maamulay deeqdaas sanadkii hore lay’na siiyay isagoo markaa xilka ku cusbaa hortiina wax isdaba marintu dhacdey, waxaan maanta uga fadhiina in uu si cadaalad ah oo ka xallan musuq,eex iyo wax isdaba-marin ugu qaybiyo ardeyda iyo shaqaalaha qarankan deeqdan ummadda ka dhaxaysa. Wasiir waan dhawraynaa bal in aad marto wadaadi kuwii kaa horeeyay iyo in aad tariikhda ku gasho in aad noqoto wasiirkii ugu horeeyay ee si hufan oo ka xallan musuq ugu qaybiso qarankan deeqdaas ka dhaxaysa!

Sidoo kale waxaan safiir ku xigeenka safaarada aynu ku leenahay Ethiopia, oon aan ixtiraam weyn ugu hayo dadaalkiisa shaqada uu inooga hayo Ethiopia, waxaan ka filayaa in uu ceeb ka dhawro deeqdaas layna siiyay oo uu ku simo wasiirka oo waliba uu joogo oo uu hubiyo in deeqdaas loo qaybiyo si cadaalad ah.

waxaanan ku talin lahaa hadii lays maqlaayo 100undergraduate waxa ugu mudan in la siiyo ardeygii ugu sareeyay imtixaankii laga qaadey ardeyda Somaliland oo dhan iyo 99kii ardey ee ku xigay waayo cid walba/gobolkasta wey leyihiin dadaalkooda ayayna ku galeen kaalintaas waliba abaal marin’na wey u noqon raad iyo farxad ku reebta ardeydaas. 15 postgraduate waxaan ku talin lahaa in loo qaybiyo shaqaalaha qaranka ee wasaaradaha ay ka shaqeyaan u bahan yihiin takhasusaaska deeqda laynoo siiyay iyaga oo laga saxeexayo in ay ugu yaraan 5sano qaranka ugu shaqeyaan cilmigay u soo barteen iyadoo shahaadada laga haynaayo shantaas sano.

Hadii sidii kuwii hore loo maamulo deeqdan waa in aynaan amusin’e waa in aan cod-dheer oo gaadha ilaa Ethiopia ku sheegna in la musuqay deeqdii layna siisay. “AMUSNAANTU WAA XUMAANTA, MUSUQA IYO CADAALAD DARADA OO AAD TAGEERTAY”

Allaa Mahad Leh

Qalinkii: Cabdikariin axmed Mooge

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews