berberatoday.com
Gudomiyaha Gobolka Hawd Oo Xabsiga U Taxaabay Agaasimihii Aqalka Madaxtooyada Gobolka Hawd
September 14, 2016 - Written by Berbera Today

Baligubedle(Berberatoday.com)-Badhasaabka gobolka Hawd Ibraahin Xaaji Xasan ayaa xabsiga magaalada Balli-gubadle u taxaabay agaasimihii guriga madaxtooyada ee gobolka Hawd Dalmar  Aw Haaruun Jaamac.

badhasab

Agaasimaha la xidhay ee aqalka madaxtooyada xarunta gobolka Hawd ee Balli-gubadle Dalmar Haaruun Aw Jaamac  ayaa ka waramay sababaha keenay in la xidho, waxaanu gudoomiyaha gobolka Hawd ku eedeeyey inaanu sifo sharciya u marin xadhigiisa.

Agaasime Dalmar Aw Haaruun ayaa waxa uu sheegay inuu wasiirka madaxtooyadu u magacaabay xilkaasi oo uu ilaa hada hayo  waxaanu yidhi “Bishii afaraad ee sanadkan ayey magaalada Balligubadle ee xarunta gobolka Hawd  noogu yimaadeen todoba wasiir oo ka tirsan xukuumada kuwaa  oo noo waday gaadhi Ambulance  ah, laba shir ayaa la galay oo midi waxa uu ahaa kii ay saxaafadu goob jooga ka ahayd mid kalana waxa uu ka dhacay guriga madaxtooyada ee magaalada Balli-gubadle, waxaanu wasiirka madaxtooyadu ii magacaabay agaasimaha aqalka madaxtooyada ee gobolka Hawd.”

Dalmar Aw Haaruun oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Badhasaabka gobolka Hawd ayaa yidhi aniga ayaa arinkan dhamaysanaya oo waxa uu soo magacaabay inan kale oo lagu magacaabo Naasir Haaruun Haybe,  xalay ayaa  xaflad balaadhan layskugu yimid waanan ka hadlay xafladaas oo waxaan idhi aniga ayaa lay magacaabay agaasimaha aqalka madaxtooyada gobolka Hawd, wixii shaqaale ee kale ee lagu soo kordhinaya xaq ayaanu u leenahay, waxaanu badhasaabku nagu yidhi xafiiska gobolka iskugu keen keena subaxnimada”

Agaasimaha xidhan ee guriga madaxtooyada gobolka Hawd ayaa ka waramay qaabka uu ku yimid xadhigiisu waxaanu yidhi “Saaka markii aanu xafiiska gobolka iskugu nimid  badhasaabku waxa uu yidhi shaqadii ayaan idinku wareejinayaa, Naasir Haarun Haybe ayaanan ka dhigayaa agaasimihii aqalka madaxtooyada, waxaanan kaga jawaabay inuu aniga ii magacaabay wasiirka madaxtooyada, warqadii laygu magacaabay mid burinaysana miyaad ii haysaa gudoomiye ayaan waydiiyey, dabadeedna xafiiska iiga bax ayuu igu yidhi, dabadeedna igama kaa qabato ayaan ku idhi ka dibna hala xidho ayuu yidhi sidaas ayaanan ku xidhanahay.”

 

 

 

Xigasho Baligubadlemadia

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews