Khilaafkii Siyaasiga Ahaa Ee Udhexeeyay Gudoomiye Muuse Biixi Iyo Wasiir Maxamud Xaashi Oo Soo Rogaal Celiyay
September 14, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa dib u soo rogaal celiyey hirdankii weerarka iyo weerar celinta ahaa ee madaxtooyada Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi
Hirdankan hada dib u istaadhmey ayaa waxaa uu wakhtiyo hore sidan oo kale uga soo dhex curtey madaxtooyada iyo Muj Muuse Biixi taas oo sabab u aheyd in bishii 10 ee sanadkii hore mar qudhaata xukuumada Siilanyo iska casilaan wasiiradii ugu badnaa kuwaas oo ka biyo diidana shirka xisbiga Kulmiye oo ay sheegen in uu u afduuban yahay gudoomiye Muuse Biixi .