berberatoday.com
Ballanqaadkii Beenoobay, Madaxweyne Geelle Oo Hawada Ka Laabtay Iyo Albashiir Oo Ka Badbaaday Dabinkii Muqdisho
September 15, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynayaasha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Suudaan Cumar Xasan iyo Koonfurta Suudaan Salvakiir ayaa sadexduba ka maqnaaday shir madaxeedka urur goboleedka IGAD oo shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho, kaasoo ajandaha lagaga wada hadlay ku qotomay xaaladdaha Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.

“Wax badan baanu Soomaaliya la qabanay, waana la qaban doonnaa, waanan hambalyaynayaa in shirkii IGAD ka furmayo Muqdisho. Haa, Aniguna waan ka qaybgelayaa, waxaanu tusaynaa caalamka Soomaaliya in aanay bahalo galeen ahayn” sidaa waxa yidhi; Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle habeen hore mar uu la hadlay warbaahinta, isuna diyaarinayay ka qaybgalka shirka shalay Muqdisho ka dhacay. Hase yeeshee taasi ma rumoobin Madaxweyne Geellena wuu ka baaqsaday ka qaybgalka shirkaa, kadib markii diyaaradii uu saaraa ay dib uga laabatay hawada ka hor intaanay gaadhin Muqdisho, kuna laabatay Jabuuti.

Safiirka dawladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa sheegay in cilad farsamo ay soo wajahday diyaaradda Madaxweynah, kadibna ay dib ugu laabatay Jabuuti. “Diyaaradda Madaxweynaha Qaranka Jabuuti siday, si nabadgalyo ah bay ku gaadhay dalka Jabuuti, kadib cilad farsamo oo ku heshay hawada. Wuxuu qorshuhu ahaa inuu ka qaybgalo shir maradeexda IGAD, markaa shirka waxa dawladda Jabuuti u meteli doona Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo ku sugan madasha Shirka.”sidaa waxa yidhi safiirka Jabuuti.

Inkastoo safiirku sheegay in cilad farsamo ay sababtay shir ka laabashadii Madaxweynaha Jabuuti, haddana, shabakadaha wararka qaarkood ayaa faafiyay warar tilmaamay in dib u laabashadiisu ka dhalatay  arrimo dhanka nabadgelyada ah, hase ahaatee ma jiraan warar madax banaan oo balaftaa xaqiijinayaa.

Geesta kale Madaxweyne Cumar Xasan Albashiirka Suudaan ayaa isna ka baaqsaday inuu ka qayb galo shirkaa. “Madaxweynaha Sudan wuu cudur daartay, shirka ma imaanayo, waxa metelaya Safiirka Sudan.” sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Hase yeeshee dhanka Suudaan ma jiraan warar amuurtaa la xidhiidha oo ka soo baxay, balse warar ay faafiyeen dhinacyo kale oo Ogaal soo xigtay ayaa tibaaxay in Madaxweyne Albashiir uu uga maagay Muqdisho sababo la xidhiidha amaankiisa iyo in Maxkamada ICC ay ka qabato halkaa. Wararkaa qaarkood waxay tibaaxeen, in Albashiir ka war helay dabin uu la maaganaa Madaxweyne Xasan Sheekh, sidaa darteedna uu uga baaqsaday imaatinkii shirkaa. Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salvakiir ayaa isna ka mid ah madaxda aan ka qaybgelin shirkaa, iyadoo ajandayaasha ugu waawayn ee lagaga arrinsaday uu ka mid ahaa waddankiisa oo tan iyo intii uu ka go’ay Suudaanta kale la nool qalalaase iyo dagaal sokeeye oo salka ku haya loolan dhanka awooda ah.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews