berberatoday.com
Dhacdo La Yaab Leh : Ilmo Yar Oo Ku Hoos Dhintay Kursi Ay Ku Fadhiisatay Gabadhii Masuulka Ka Aheyd !
September 15, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Lagama yaabo caqliga qofka bani-aadamka ah inuu sawirto dhacdadan oo kale waxaana is weydiin leh sidee ayuu qof weyn oo ku fadhiistay kursi yar oo loogu talagalay inay carruurtu ku ciyaarto, isna uu ku fadhiisto oo uu dareemi waayo in ilma yari ku hoos jiro ?.

waxa kale oo is weydiin mudan haddii uu qofkaasi dareemi waayey in ilmaha yari uu ku hoos jiro, ma  dhici kartaa in qofkaasi oo maqli waayey oohinta iyo qayladda ilmahaasi yar?.  Waxaana laga yaabaa in dhamaan su’aalahaa aynu kor ku soo xusnay ay in badan is weydiiyaan waalidkii dhalay wiilkaasi yar oo magaciisa la odhan jiray Liyinaardo Saanshees ee ku geeriyooday xaalad aad u adag oo ah goob loogu talagalay in lagu xannaaneeyo oo lagu ilaaliyo oo ka mid ah dugsiga barbaarinta carruurta (Kinder Garden).

Dhacdadan oo ka dhacday dalka Maraykanka toddobaadkii hore ayaa waxay ku noqotay fajaciso iyo amakaag labada waalid ee dhalay wiilkan yar kadib markii loo soo sheegay in ilmahoodii yaraa uu dhintay, iyadoo ilmahan yari uu naftiisii ku waayey markii gabadh ka tirsanayd shaqaalaha iskuulku ay ku fadhiisatay kursi uu ku hoos jirey oo loo yaqaan Bean-Bag, oo ahaa kursi aan u samaysnayn sida kuraasida kale, balse ka koobnaa bac aad u ballaadhan, islamarkaana lagu dhex riday marrooyin taaso loogu talagalay in ubadka yaryar ay ku fadhiistaan xilliga nasashadooda.

Haddaba, Gabadhan ayaa ku fadhiisatay Bean-Bagan iyada oo aan eegin in lagu hoos jiro iyo in kale kadibna markii ay ku fadhiday 15daqiiqo ayey maqashay neeftii ugu danbaysay ee ka soo baxday ilmahan yar, markii ay ka kacday ee waxay kor u qaaday kursigii waxaanay aragtay ilmihii yaraa oo geeriyooday.

Warbixin dhacdadan ku saabsan oo ay soo bandhigtay Fox13 ayaa ay ku cadaysay in waalidkii dhalay ilmahan yari ay 17ka bishan aasi doonaan iyada wali baadhitaano ay socdaan ku socdaan haweenaydii geystay falkan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews