berberatoday.com
Hinaasaha Oo Sabab U Noqday Burburka Qoysaska Fannaaniinta Caanka
September 15, 2016 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Waxa laga yaabaa in dad badan oo aad ula socda aflaamta Carabiga ah gaar ahaan kuwa ay soo mattalaan fannaaniinta dalka Masar inaanay wax badan ka ogeyn xidhiidhka jaceyl ee dhex maray Ragga iyo Dumarka fannaaniinta ah ee u dhashay dalkaasi oo qaarkood ay gaadheen heer ay ballan isku qaadaan, inay nolosha waddaagi doonaan, halka qaarkoodna is dooneen oo ay labadooda reer isa soo hor fadhiisteen, laakiin muddo kooban kadib mid kastaaba uu go‘aansaday inuu noloshiisa si gaara u watto, halkaana ay ku burburto rajadii ay abaabulayeen muddada dheer, islamarkaana ay noqotay wax lala yaabo, iyadoo markii ay is rabeen dhamaan warbaahinta caalamku ay ka hadashay, balse markii danbe ay si qarsoodi ah u kala tageen oo aan warbaahintana laga shaacin, mid kastaana noloshii la waddaago qof kale.

Sababta ugu weyn ee keentay inay kala noqdaan fannaaniinta caanka ka ah dunida iyo dalkaasba ee is caashaqay ayaa la sheegay inay tahay hinaase aad u badan, taasoo midba midka kale amar ku siiyay inuu shaqada fanka ka baxo, laakiin waxa uu mid kastaaba go’aansaday inuu sii watto shaqadiisa fanka islamarkaana uu raadsado qof ku ogol oo aan ku maamulin shaqadiisa inuu watto.

Waxaana tusaale u ah qisadii jaceylka aheyd ee dhex martay labad fannaan ee kala ah Muna Zaki iyo Maxamed Al-shaqanqiri oo labadooduba u dhashay dalka Masar, haddaba fannaanada Muna Zaki waxay u doonaneyd fannaanka Maxamed Al-shaqanqiri balse iyaga oo aan dhameystirin guurkoodii ayey kala noqdeen oo warbaahintana laga qariyey, iyadoo muddo kadib la shaaciyay in sababta ugu weyn ee keentay kala noqoshadoodu ay aheyd hinaase.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews