Kismaanyo”Cabsi Ammaan-daro Oo Sababtay In La Mamnuuco Inay Aroosyada Gelbiyaan Gaadiid Ka Badan Laba
September 15, 2016 - Written by Berbera Today
Madaxweynaha Jubbaland Oo Fagaare Kaga Khudbadeeyay Awaamiirtan Cusub
Kismaayo(Berberatoday.com)-Maamul-gobolleedka Jubbaland, ayaa awaamiir layaab leh ku soo rogay Lamaanayaasha doonaya in Arooskoodu ka dhaco Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Shalay Warbaahinta kula hadlayey Magaalada Kismaayo, ayaa Wiilka iyo Gabadha Arooskoodu ka dhacayo Magaalada Kismaayo uga digay in Arooskooda lagu gelbiyo Gaadiid ka badan Laba, kuwaasi oo kala ah Gaadhiga lagu qaadayo Aroosadda iyo Hal Gaadhi oo daba socda, halkii hore Aroosyada ka dhaca halkaa laguu gelbin jiray Gaadiid tiro badan.