Laba Wariye Oo Tvga Qaranka Somaliland Uga Soo Warama Dalka Sucuudi Arabiya Oo Safiirka Dawlada Xamar Ku Xidhay Dalkaas Iyo Xukumada Somaliland Oo Afka Xidhatay
September 15, 2016 - Written by Berbera Today
Jeddah(Berberatoday.com)-Labadan Wariye oo lakala yidhaa magacyadooda Mustafe Yuusuf Cabaade Iyo C/risaaq Isaaq Ducaale ayaa waxay ka hawlagaa Tvga Qaranka somaliland iyaga oo uga soo warama Dalka Sucuudiga ayaa waxa xadhigooda amray Safiirka Dawlada xamar ufadhiya dalkaas kadib markii ay labadan wariye uu ogaaday inay Magaca Dawlada somaliland dalkaas ku joogaan wararka somaliland halkaas ka soo diraan, waxaanu safiir Kushegu kawar helay shaqada Labada wariye kadib markii uu arkay iyaga oo xujaajta Somaliland oo ka cabanaya Diyaaradaha Dallo iyo Juba iyo waliba cabasho kale oo la xidhiidha in lagu cabudhinayo Xujaajta Somaliland calanka Somaliland oo ay sitaan