berberatoday.com
Magaalo Ka Mida Somaliland Oo Aan Laga Aqoon Liisanka Wadista Gaadiidka Iyo Wasaarada Hawlaha Guud Oo Ku Fashilantay.
September 15, 2016 - Written by Berbera Today

Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Mid ka mid ah Magaalooyinak Dalka Somaliland ayaan haba yaratee laga aqoon isticmaalka ama qaadashada Kaadh Aqoonsiga Wadista Gaadiidka Noocyadiisa kala duwan.liisanka-gaadiidka-somaliland

Magaaladan oo ah mid ka mid ah caasimada Mid ka mid ah Lixda Gobo lee Somaliland ayaa waxa dadka halkaasi ku nool ay sheegeen in aan laga aqoonin qaadashada Liisanka Wadista gaadiidka.liisanka-gaadiidka-somaliland

Ciidamada nabadgeliyada wadooyinka   ee   magaaladda Ceerigaabo ayaa shalay   xabsiga u taxaabay dirawaladda gaadiidka  yar yar  ee loo yaqaano  Bajaajta, ee   ka dhex shaqeeya magaaladaasi.Taliyaha   qeybta booliska ee gobolka   Sanaag Gaashaanle C/casiis Sheekh Ismaaciil,   oo warbaahinta  la hadlay  ayaa  sheegay in dirawaladda gaadiidkaasi  Bijaajta ee ay  soo xidheen aanay lahayn  lambarkii baabuurta, isla markaana  aanay haysan   liisanka wado marista   Somaliland.liisanka-gaadiidka-somaliland

“Waxay  ciidanka    nabadgeliyada    wadooyinku   soo  xidheen gawaadhida  loo yaqaano  Bijaajta,  ka dib   markii   ay magaaladda Ceerigaabo wadooyinkii ku bateen.  Waxaa  yimid  gawaadhida   Bajaajta, taas  oo  dhaawicii  iyo dhibaatadii ay dadka  u gaysanayeen  sii koradhay. Waxa kale oo siyaaday khaladka ay jidadka ku maraan oo sababi karta shilal badan,”ayuu yidhi Taliyaha qeybta booliska Sanaag.liisanka-gaadiidka-somaliland

“Maanta (shalay)  oo u danbaysay wax  bay jiidheen,  maalin aan dacwad la nooga keenin ma jirto. Ka dib    waxaan  amar ku bixiyay in la soo xareeyo wax alaalle wixii   Bijaaj ah  ee bilaa sharciga ah. Waxaa  ku jira qaar aan lahayn-ba bilaydh  lambarkii  oo ay wataan ciyaal yaryar oo qayrul-masuul ah, sababtaas  ayaan u soo xidhnay.  Waxaanan  doonaynaa in aanu  sharciga waafajino,  oo ay dhamaantood noqdaan qaar sharciga u hogaansama,  oo liisan leh oo lambar leh,  oo shuruudaha wado marista fuliyay,”ayuu yidhi Gaashaanle  C/casiis  Sheekh, waxa uu digniin u diray dadka ganacsatadda ah ee doonaya in ay la soo degaan ama soo iibsadaan Bijaajta,waxaanu yidhi “Waxaan  uga digaynaa dadka doonaya in   ay gaadiidka Bijaajta la  soo dagaan ee  bilaa liisan doonaya in loogu wado in sharciga aanu waa fajin doono.”liisanka-gaadiidka-somaliland

Dhinaca kale dirawaladda    gaadiidka Bijaajta ee la soo xidhay ayaa iyaguna beeniyay   eedaha loo soo jeediyay.  Waxaanay  ku doodeen   in liisanka wado marista  wadooyinka   aan laga qaadan magaalada Ceeerigaabo. Waxaanay    ka dalbaday  wasaaradda hawlaha guud iyo guriyaynta ee  ay khusayso arrintaasi  in ay keento magaalada Ceerigaabo liisanka wado marista wadooyinka.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews