berberatoday.com
Maxkamadda Sare Oo Axada Bilaabaysa Dacwadii Xisbiga UCID Ee Udhaxaysay Garabada Musharax Jamaal Cali Xuseen Iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe
September 15, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa maalinta axada ah oo taariikhdu ku beegan tahay 18-bishan aynu ku guda jirno la filayaaa inay bilowdo dhagaysiga dacwada khilaafka xisbiga UCID ee u dhaxaysa labada garab ee ay kala hogaaminayaan musharaxa madaxwayne ee xisiga UCID Jamaal Cai Xuseen iyo gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali waraabe.

 

Waxaana maalinkaasi dhagaysiga dacwada kasoo xaadiraya labada garab ee khilaafku u dhaxeeyo iyadan oona maxkamaddu dhagaysan doonto khilaafkaaasi isla markaana kasoo saari doonto go’aan kama danbays ah oo noqonaya go’aan dabar u noqda khilaafkan ragaadiyay xisbiga UCID.

Bulshada somaliland gaar ahaana shacabka magaalada hargeysa ayaa saaka ilaa shalay aad u hadal hayay natiijada kasoo baxi doonta garnaqa khilaafkan u dhaxeeya labada masuul oo ay dhagaysigeeda gacanta ku hayso maxkamadda sare isla markaana maxkamaddu u mudaysay inay bilaabi doonto  18 bishan aynu ku guda jirno.

Gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa isagu usoo gudbiyay maxkamadda sare dacwada kadib markii uu saluugay ambiil-na ka qaatay go’aan ay khilaafka xisbiga kasoo saareen gudida diiwaangalinta ururada siyaasadda Somaliland oo ahaa in la qabto shirwayne lagu dooranayo musharaxa xisbiga iyo jagooyinka ka banaan xisbiga uuna kamid yahay gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews