berberatoday.com
Musharaxa Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Waramay Kulan Gaar Ah Oo Qasriga Madaxtooyada Uu Kaga Qayb Galay Oo Sas Ku Riday Madaxda Xisbiga KULMIYE Iyo Warar Been Abuur Ah Oo Laga Baahiyay.
September 15, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Aqoonyahan Jamal Ali Hussein ayaa faah faahin ka siiyay Wargeyska Foore kulan gaar ah oo uu la yeeshay Madaxda Ugu saraysa Madaxtooyadda Somaliland iyo Wixii ay ka wada hadleen, waxa uu sidoo kale eedo kala duwan u soo jeediyay Warhaahinta Gacansaarka la leh Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye oo uu sheegay inay wax laga xumaado tahay inay ka been abuurtaan Madaxtooyadda, waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Cid gaar ahi u aragto inay u xidhan tahay Madaxtooyaddu oo ay keligood uun gali karaan,waxa uu aragtidaasi ku tilmaamay mid qaldan oo aan aqoon ku dhisnayn oo fulaynimo ku dheehan tahay.

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo Wargeyska Foore wax ka waydiiyay Kulankaasi islamarkaana Waraysi gaar ah siiyay Foore ayaa noo xaqiijiiyay kulankaasi, waxaana uu yidhi“Anigu maan jeclayn in arin kasta war laga dhigto oo labaahiyo, Mana jecli been abuurka iyo Cida beenta abuurta, laakiin Kol haddii ay Qoladaas Muuse Biixi gacan saarka la lehi ay badka soo dhigeen, Waxbaan ka yara taataaban, Waa uu jiraa Kulankaasi sifiican ayuu u dhacay Waxaanu kawada hadalnay arimo la Xidhiidha Cadaaladda iyo in Madaxtooyaddu dhex u noqoto Axsaabta Siyaasada Dalka, is-Afgarad ayuu noogu dhamaaday sifiican ayaanu isku fahamnay runtii kulan qiime badan ayuu ahaa, Waxa ay iyaguna dhinacooda iska fogeeyeen arimaha Xisbiga UCID, Waxa ay noo xaqiijiyeen inaanay wax lug ah ku lahayn arimaha la doonayo in Xisiga UCID Lagu burburiyo, balan fiican ayaanu ku kala nimid, waxa ay iga saareen Tuhun badan oo igu gadaamnaa runtii, Kulan caaqiibo leh ayuu ahaa, Madaxdii ugu saraysay Madaxtooyadda ayay ahayeen, Waan ku faraxsanahay inuu Kulankaasi sidii la rabay noogu qabsoomay, Madaxtooyadda ayuu ka dhacay, Mana Jecli inaan wax intaasi dhaafsiisan ka idhaahdo”.

Musharax Jamaal Cali Xuseen oo daba socday Warar Been abuur ah oo ay Shalay ka Baahiyeen qaar uu ku sheegay warbaahinta Gacansaarka la leh Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo sas ka qaaday Kulankaasi ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay in Qasrigii dalka looga ariminayay ay ka been abuurtaan Warbaahintii Xisbiga Kulmiye, waxa uu wax laga Xumaado ku tilmaamay inay cid gaar ahi u aragto in Madaxtooyaddu u garbaduuban tahay keligood, waxaana uu yidhi “Waan ka xumahay in Warbaahintii gacan saarka lahayd Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ay baahiyaan Been aan sal iyo raatoona lahayn, runtii waa wax lala yaabo in laga naxo kulankaasi oo loo arko mid cid wax lagu yeelayo, waxay sharaf dhac ku tahay milgaha Xisbiga Kulmiye iyo ka warbaahinta in Kulan ka dhacay qasrigii dalka looga ariminayay in laga been abuurto oo waliba ay baahiyaan warbaahin Gacan saar la leh Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, waa ayaan daro in wax walba laga shakiyo, marnaba ismaan lahayn Kulankaasi cid ayuu wax yeelayaa waa kalsooni daro haysata saaxiibaday aan garanayo inay Ka sasaan Kulankaasi Jamaal Madaxtooyadda la qaatay, anigu waxaan u arkaan kulan qiime badan oo sharaf iyo maamuus lahaa oo dantii aan lahaa si fiican uga jawaabay, maaha in halkii dalka looga talinay ay cid gaar ahi u qaadato inay u xidhan tahay oo ay u gardaduuban tahay, Waa meel dadka iyo dalkaba u dhex ah oo cidii arini ka gasho ay tagi karto, waxaan u arkaa fulaynimo iyo kalsooni daro in Wax walba laga shakiyo oo loo qaato in cid gaar ah wax lagu yeelayo”. Maaha markii u horaysay ee uu Jamaal cali Xuseen Eedo Culus u soo jeediyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,balse dhawr jeer oo hore ayuu uga digay inuu faraha kala baxo Arimaha Xisbiga UCID oo uu ku eedeeyay inuu si toos ah uga qayb qaadanayo hurinta Khilaafka burburinta Xisbiga UCID.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa mudooyinkii u dambeeyay saaxiib dhaw ka dhigtay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo dhinaca ka ah Khilaafka Xisbiga UCID, islamarkaana ay Dacwadi ka dhexayso Musharaxa Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen,waxaanu Jamaal hore u sheegay in khilaafka Xisbiga UCID aanu ku koobnayn oo qudha Saaxiibkii Faysal ee ay jirto cid kale oo uu Muuse Biixi ugu horeeyo oo danaynaysa Inuu Xisbiga UCID Saaxadda Axsaabta siyaasada ka baxo islamarkaana uu burburo si uu dan gaar ah oo uu leeyahay u fushado.Khilaafkii Xisbiga UCID ee la eegayay inuu ku soo afmeermo Gudida Diwaangalinta Axsaabta Siyaasadda oo qaab sharci ah u martay xukun ay ka soo saartay ayuu Faysal u Racfaan qaatay Maxkamada Sare,kaasi oo hadda laga dhursugayo Goaanka Maxkamada Sare ka soo saarto Xukunkaasi.

Dhinaca kale Shacabka Somaliland ayaa isha ku haya halka uu sal dhigo Khilaafka Xisbiga UCID iyo qaabka cadaaladeed ee loogu garsooro Musharax Jamaal Cali Xuseen oo wakhti badan soo galiyay Xisbigaasi islamarkaana waafaqay oo qaatay Xukunkii ay Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasadu ka soo saareen khilaafka UCID iyagoo tixraacay Heshiiskii ay kala saxeexdeen Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe.

Xigasho: Wargeyska Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews