Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Oo Shaacisay Xiliaga La Qabanayo Ciyaarihii Gobolada Oo Laba Jeer Oo Hore Dib Udhacay
September 15, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa ku dhawaaqday Xilliga rasmiga ah ee dib loo bilaabayo Qabashada Qaybtii labaad ee ciyaaraha gobolada Somaliland.
Shir jaraid oo ay si wada jir ah hada ugu qabteen masuuliyiinta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland waxay ku shaaciyeen in 27 bisha Octoober ee fooda inagu soo haysa Magaalad Hargeysa lagu qaban doono wajigii labaad ee ciyaaraha gobolada Somaliland kuwaasi oo mudo haatan laga joogo Ku dhawaad Sanad qaybtoodii hore lagu qabtay Magaalooyinka Boorame iyo Burco.