berberatoday.com
WUU ASIIBAY JAMAL BOOQASHADA QASIRIGA MADAXTOOYADA..Qore Nuuradiin Ibraahin Aw Abdi Nuuradiin Diini
September 15, 2016 - Written by Berbera Today

Musharaxa xisbiga UCID mudane jamal Cali Xuseen sida uu sheegay waxa si maamuus sare leh loogu casuumay qasriga madaxtooyada. Waxaanu kulan mihiima la qaatay madaxweyne Axmed Maxamed maxamuud (siilaayo) kulankaasi oo dhinacyo badan taabanaaya ugu horayn waxa yaabaha ugu mihiimsan ee ay ka wada hadleen waxa ka mid ahaa

Musharaxa xisbiga UCID mudane jamal Cali Xuseen sida uu sheegay waxa si maamuus sare leh loogu casuumay qasriga madaxtooyada.
Waxaanu kulan mihiima la qaatay madaxweyne Axmed Maxamed maxamuud (siilaayo) kulankaasi oo dhinacyo badan taabanaaya ugu horayn waxa yaabaha ugu mihiimsan ee ay ka wada hadleen waxa ka mid ahaa
1- guud ahaan xaalada siyaasadeed ee mandaqada bariga Africa gaarhaana ta Somaliland xaalada ka soo koradhay IGAD iyo dawladaha jaarka.
 
2- xaalada dhaqaale ee dalka fursadaha maalgashi ee soo baxay sidii looga faa’idayn lahaa maadaama arimahaasi musharax jamal cali Xuseen uu u leeyahay khibrad iyo waayo aragniimo dheeraada. 
3- muranka iyo khilaafka siyaasigaa ee xisbiga UCID kaasi oo uu sheegay madaxweynuhu in aanu marna soo faragalin soona faragalin doonin.
Inahaasi waxa ay ahaayeen kuwa ugu mihiimsan ee lagu faaleeyay kulankii madaxweynaha iyo musharax jamal cali Xuseen. 
Haddii aan si hoose ugu dhaadhacno u jeedada qormadeenan waxa aan jeclahay ugu horayn in aan ka jawaabno su’aashan 
Goorma ayay ceeb noqotay booqashada madaxtooyadu ama dhaleecayn?
Jawaabta su’aashani waa mid aad u fudud qasriga madaxtooyada Somaliland waa halka dalka looga arimiyo mucawrid iyo muxaafidna wey u furnatahay galideedu booqashadeedu maa meel kooto lagu haysto oo cid gaara u xidhin sidaadarteed mar iyo lababa uu booqan karaa mudane jamaal iyo cidii dani ka gashaaba. 
MAXAA FAA’IDO UGU JIRAY MR JAMAAL BOOQASHADA QASRIGA 
——————————————————————————————
Mar hadii aanu musharax ahayn madaxweyne SIILAANYO waa fursad qaaliaya in la helo ugu yaraan taageeradiisa waayo codka beesha bariga burco oo beesha madaxweynuhu waa cod suuqa yaala oo lagu tartami karo mana cod u xidhan cid gaara ama xisbi gaara ee waa mid ku xidhan kasbashada quluubta dadka. 
Sidoo kale in uu xidhiidh dhow la sameeyo mudane jamaal qasriga madaxtooyada siyaasiyan waa mihiim oo wax weyn bay ka taraysaa musharaxnimadiisa waxaana u kala soocnaanaaya xisbiga KULMIYE iyo madaxtooyada. 
Marka xaajo taasi tahay booqashada madaxtooyada waa lagu amaani karaa lagu bogaadin karaa Mr Jamaal 
Kuwa eeda iyo dhaliisha ka dhigaayana xaajadoodu waxa ka dhigan tahay 
HABAR DHALIWEYDAY ALEELO KU FOOLATAY
Waxaana ay muujiyeen sida ay uga niyad xun yihiin xidhiidhka siyaasigaa ee uu madaxtooyada la yeeshay musharaxa ucid dhanka kale saxaafada taageerta xisbi xaakimka kulmiye waxa ceeb iyo fadeexad ku ah in ay soo bandhigaan xogahay iyo siraha madaxtooyada maadama oo ay xidhiidh la leeyihiin taasi sumcad xumo ayay ku tahay waxaana qadiyadani marag u tahay in siyaasad xumadooda aanay wax qorshaa ka lahayn hadii xeedhada gunta loogu soo dhaco 
AFMEER 
——————————————————————————————-
Marka laysku soo xooriyo qormadaydan waxaan ku soo afmeerayaa ama se aan ku soo gunaanadayaa in ay banaanka u soo baxday siyaasad ahaan sida uu u guulaystay musharax ucid lana waadaagay xisbi xaakimka kulmiye siyaasadii taalay qasiriga madaxtooyada taasi oo ah mid aan ku bogaadinaayo kuna hambalyeeynaayo. 
Qore Nuuradiin Ibraahin Aw Abdi Nuuradiin Diini
Allaah ayaa mahad oo dhan iska leh
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews