“JAMAAL Baa Madaxtooyada Galay Uun Baa Maqlayaaye Horta Madaxtooyaduu galay? Ma Madaxtooyadii Somaliland mise madaxtooyo uu Kulmiye samaystay oo gaar ah?.. Ka basaaska ah ee basaasnimada u taga waan aqaan, Muuse iyo Ina Cali Waraabe”. Gud. 3aad Ucid Cali Guray
September 16, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiye Kuxigeenka saddexaad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf (Cali guray) ayaa ka hadlay kulan Madaxtooyadda dhowaan ku dhexmaray Musharraxa Xilka Madaxweynaha Xisbiga Ucid aqoonyahan Jamaal cali Xuseen Iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo.
Kulankaaas oo uu ka sasay Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, isla markaana warbaahinta uu maamulo ku faafiyey dacaayaddo ka dhan ah madaxtooyadda, ayuu Gudoomiye Cali guray qoraal kooban oo uu kaga hadlay arrinkaa soo dhigay barta bulshadda ee Facebook’. Waxanu sheegay in aanay gelista madaxtooyaddu ahayn danbi, isla markaana waxa uu calaamad su’aan geliyey ta ay tahay madaxtooyadda uu galay musharaxooddu, waxanu sheegay in madaxtooyaddu tahay mid qaranku leeyahay oo qof kastaaba geli karo, halka qolada ka sastay uu ku wargeliyey in aanay madaxtooyaddu Kulmiye oo keli ahi lahayn. Qoraal Gudoomiye Cali guray ayaa u dhigan sidan.
“JAMAAL baa Madaxtooyada galay uun baa maqlayaaye horta Madaxtooyaduu galay? Ma Madaxtooyadii Somaliland mise madaxtooyo uu Kulmiye samaystay oo gaar ah? Ka basaaska ah ee basaasnimada u taga waan aqaan Jamaal waxa uu u tegayna waan garanayaa oo dacaayadihii Kulmiye wadwaday iyo Madaxtooyadu dhex kama ah Dacwadda ka dhanka ah Ina Cali Waraabe oo Muuse iyo Ina Cali Waraabe ayay taageeraysaa oo waxay ka hiilinaysaa Jamaal Cali Xuseen eh wuu is daalinaya ayaa shaki iyo werwer gelisay. In laga shaafiyo xaq buu u lahaa cidda Madaxtooyada dacaayadaysayna waa la yaqaan oo waa Ina Cali Waraabe oo hadh iyo habeen ku jira iyo Gudoomiyaha uu u shaqeeyo”. Ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga Ucid Cali guray