berberatoday.com
Kulan Madaxtooyadda Ku Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Dawladdaha Reer Yurub Ee Somaliland Ka Taageera Doorashooyinka Oo Lagu kala Kacay+Deeq-bixiyaasha Oo Mawqif Adag Iska Taagay Kala Qaadista Labada Doorasho
September 16, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar ay shabakadda Xogreebnews ka helayso Ilo Diblumaasiyadeed ayaa sheegay inuu is-afgarad la’aan kusoo dhamaaday kulan shalay Qasriga Madaxtooyadda ku dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo wafti ka socday Deenayayaasha Doorashooyinka ka taageera Somaliland oo ay hoggaaminayaan Agaasimaha Wasaaradda arrimaha dibeda Ingiriiska iyo sidoo kale Safiirka Somaliland iyo soomaliya u fadhiya dalka Ingiriiska.

Kulanka oo ay labada dhinac si weyn ugaga wada-hadleen arrimaha doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka Somaliland oo isku lamaana markii hore, isla markaana loo qorsheeyey inay dalka ka dhacaan horaanta Sanaadka 2017-ka, ayaa la sheegay inay Deeq bixiyaashu ganafka si cad ugu dhufteen hindise muddo kordhineed oo madaxtooyaddu ku kala qaaday labada doorasho, iyadoo madaxtooyaddu dalbatay in doorashadda golaha wakiiladda oo caqabado horyaalan dib loo dhigo, halka doorashadda madaxtooyaddana lagu qabto xiligeedii, balse qorshaha markii uu madaxweynuhu u sheegay Waftiga reer galbeedka ahaa ee u socday xaaladda qabsoomida Doorashooyinka Somaliland waxay markii si aan gabasho lahayn ganafka ugu dhufteen kala qaadista labada doorasho ee Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka, waxanay xukuumadda ku canaanteen inay gabeen fursadihii ay markii hore ku kordhisteen, oo aanay dhaqaajinba hawlihii ku xidhnaa xaggeeda ee doorashadda, sidoo kale waxay waftigu Madaxweynaha ku wargeliyeen inaanay dawladdaha daneeya doorashooyinka Somaliland diyaar u ahayn laba doorashoo oo xilliyo kala duwan ka dhaca Somaliland, balse sidii uu qorshuhuu ahaa waxay dalbadeen inuu ku talo galkooddu yahay ama ay dhaqaalaha doorashadda ku bixiyeen inay labada doorasho isku mar qabsooman, iyagoo weliba dalbaday in lagu qabto xilligii loogu talo galay.

Sidoo kale, waxay waftiga deeq bixiyaashu madaxweynaha ku adkeeyeen inaan hadii labada doorasho la kala qaado inaanay dib oo danbeysaa doorashooyinka Somaliland uga qaybqaadanayn, waxa kaloo waftigu Xukuumadda u caddeeyey hadii doorashooyinka la kala qaado inuu go’aayo xidhiidhkii diblumaasiyadeed iyo wada shaqeyntii ay Somaliland la lahaayeen. Balse waxay carabka waftigu ku dhufteen in la qiimeyn karo waqti lagu qabto doorashadda, isla markaana farsamo ahaan dib loo wada dhigi karo muddo kooban labada doorasho oo isku lamaan.

Hase-yeeshee waxa iyaguna dhankooda mawqif adag istaagay Madaxtooyada oo sababaysay arrinka dib u dhigaaya doorashadda Baarlamaanka waxanay u sheegeen waftiga in aanu weli diyaar ahayn qorshe lagu soo doorto Xildhibaanada wakiiladda, oo ay cabasho deegaano xagga saamiga ah aan sidii tii hore lagu geli karayn.

Waxana sida wararku sheegayaan waftigu ka dareereen kulankii madaxtooyadda iyagoo Xukuumada ugu hanjabay inay joojinayaan wada shaqeynta Somaliland iyo xidhiidhkii ka dhexeeyey, waxana la filayaa inay Maalinta Berri ah dalka Kenya kasoo saaraan War-murtiyeed si weyn uga hadlaaya arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Kulan Madaxtooyadda ku dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Dawladdaha Reer Yurub ee Somaliland ka Taageera Doorashooyinka oo lagu kala kacay+ Deeq-bixiyaasha oo Mawqif adag iska Taagay kala qaadista

Xigasho Xogreebnews.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews