Madaxweyne Siilanyo Oo Maalnta Beriya Safar Ku Iman Doona Deegaamada Galbeedka Gobolka Saaxil Iyo Ujeedada Safarkiisa
September 16, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud(Siilanyo) iyo wafti balaadhan oo xukumadiisa katirsan ayaa maalinta beriya jarmaada kaga soo kalihi doona magaalada hargeysa iyada oo Madaxweyne Siilanyo safarkiisa ku iman doona deegaamada Galbeedka Gobolka Saaxil.
Madaxweynaha ayaa maalinta Beriya Xadhiga ka jari doona mid kamida dugsiyada Waxbarshada boodhinka ah ee Gudida Dan Iyo Duco ee horumarinta Gobolka Saaxil Ka hirgalisay Deegaanka Dabayl Weyne oo katirsan Degmada Mandheera islamarkaana Waqooyiga kaga beegan Tuulada Macaaneeya.