berberatoday.com
“Ninka Ka Adkaan Waayay 82 Qof Dal Baan U Bu’ayaa Inaan Xukumana Meesha Kuma Jirto” Eng Maxamuud Xaashi Cilmi Oo Kabaha La Dulmaray Guidoomiye Cabdiraxmaan Ciro Daawo Muuqal
September 16, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday)-Wasiirkii hore ee wasaaradda maalliyada Somaliland haatanna ka mid ah odayaasha madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka Eng. Maxamed Xaashi Cilmi  ayaa guddoomiyaha golaha wakiillada ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi [Cirro] ku  tilmaamay in uu sababteeda leeyahay go’aanka lagu kala qaaday labada doorasho ee madaxtooyada iyo tan golaha wakiillada.

Maxamed Xaashi.jpg

Maxamed xaashi Cilmi oo Khamiistii waraysi uu Magaallada Hargeysa ku siiyey Telifishanka  HCTv ayuu kaga hadlay arrimo kala duwan oo shirkii IGAD ee Muqdisho ka qabsoomay kamid yahay waxaa uu sidoo kale Guddoomiye Cirro Ku Eedeeyey in dib u dhaca doorashooyinka, waxaanu si gaar ah u duray guddoomiyaha golaha wakiillada Md. Cabdiraxmaan Cirro “shirguddoonkii sharciga Ilaallin lahaa ee

golaha wakiilladu, guddoomiyaheedii baa kolkii ugu horreysayba jebiyey. Guddoomiyuhu wuxuu ku jebiyey laba shaqo ayuu isku hayaa” sidaa ayuu yidhi Muj. Maxamed Xaashi Cilmi.

Isagoo hadalka sii watana waxaa uu yidhi “Qoddobka 12aad ee distoorka Somaliland waxaa farqadda [paragraph] 3 ku qoran oo uu leeyahay nin xil [qaran] hayaa xil kale oo uu ugu danaysan karo ma qaban karo.  Cabdiraxmaan Cirro wuxuu hayaa xilkii shirguddoonka golaha wakiillada, haddana madax wuxuu ka yahay xisbi qaran oo WADDANI la yidhaahdo, Gaadhigii [golaha wakiillada] ayuu wataa oo shidaalkii uu ugu shaqaynayay qaranka ayuu isticmaalayaa. Shaqadii golaha wakiillada ee ahayd in uu waxan dhammeeyo oo sharciyadan doorashada lagu daba galo, ayaa waxa uu uga leexday mid uu isagu leeyahay oo doorasho iyo tartan ah, taasina waa qalad labaad oo shirguddoonku  ku jiro. Kolkaa 82 qof ninka ka adkaan waayay dal baan u bu’ayaa inaan xukumana meesha kuma jirto”. Ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews