berberatoday.com
Dufaanno Siyaasadeed Oo Cakiran Oo Durba Ka Dhex Istaadhmay Hogaanka Sare Ee Xisbiga WADDANI Iyo Axmed Muumin Seed Oo Xalay Shir Doceed Kulahaa Borama.
September 17, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ma Dhabbaa Guddoomiye Cirro Iyo Guddoomiye Xigeen Axmed Muumin Seed Waxa Ay Isku Seegeen Tartanka Musharraxnimo Ee M/Xigeen?

muumin-seed

 

Wakhti uu Gaabiga innagu soo hayo oo uu dhawr wiig oo kali ahi innaga xigaan Mudadii loo asteeyey qabsoomidda shirweynaha Golaha Dhexe ee xisbiga Mucaaridka ugu weyn Somaliland ee WADDANI, kaasi oo la filayo in uu dalka ka qabsoomo wiigga ugu horreeya Bisha Dambe ee Obtoobar ayay durba soo baxayaan xogo la xidhiidha kulayl siyaasadeed iyo hirar duufaanno ah oo durba ka dhex istaadhmay Hogaanka sare ee xisbiga WADDANI kadib markii ay oodda soo jabsadeen Musharraxiin hor leh oo u taaggan Xilka Musharraxnimo ee Madaxweyne ku xigeen oo uu hore ugu sharraxnaa Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Md. Axmed Muumin walise aanay cid kale isla soo sharraxin Guddoomiye Cirro.

Ilo-wareedyo Xog Ogaal ahi waxa ay wargeyska FOORE u xaqiijiyeen in Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed si weyn uga gilgishay Musharraxiinta cusub ee wakhti dambe iclaamiyey hankooda siyaasadeed ee beeshiisa ka soo jeeda wakhti Guddoomiye Cirro aannu go;aanno cad ka qaadan siyaasadda Mushararxnimo ee xisbigaasi walina aan isaga lala tartamin halka la sheegayo in Guddoomiye Xigeenka 1aad ee xisbigaasi khilaaf culusi soo kala dhex galay Guddoomiye Cirro isaga oo saacadihii la soo dhaafay wada tashiyo kula lahaa taageerayaashiisa Gobolada Awdal iyo Selel Magaalada Boorama kadib markii uu dhawaan uun ka soo laabtay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo uu iyana arrimaha xisbigaasi wada tashiyo kala soo lahaa.

Wararka xalay naga soo gaadhayay Caasimadda Gobolka Awdal Ee Boorama ayaa sheegaya in Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed wada tashi iyo kulamo hoose oo shir-doceedyo ah oo aan saxaafadda loo ogolayn uu la lahaa Taageerayaasha Kala duwan ee Xisbiga WADDANI, Siyaaasiyiinta, Aqoonyahanada, Dhallinyarada iyo Madax-dhaqameedka Gobolkaasi gaar ahaan beesha uu ka soo jeedo isaga oo wada tashiyadaasi kala lahaa arrimahan soo cusboonaaday ee xisbiga WADDANI iyada oo wararka qaar sheegayaanba in Guddoomiye Ku Xigeenka WADDANI Mr. Seed uu si cad gaashaanka ugu dhuftay hindise uga yimid Guddoomiyaha xisbigaasi Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo ahayd in uu isu soo taago tartan isaga oo kali ah ku kooban sida ay ilo wareedyo arrintaasi ka ag dhawi noo xaqiijiyeen.

Wararka naga soo gaadhaya xisbiga WADDANI ayaa tibaaxaya in Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Ku Xigeenkiisa 1aad si weyn isugu maan-dhaafeen xaaladda doorashada Musharraxnimo ee Mansabka Madaxweyne iyo ku xigeen iyada oo Guddoomiye Cirro la sheegay in uu qaatay go’aan la xidhiidha in Axmed Muumin Seed lala tartamo halka Guddoomiye ku xigeenka xisbigaasina gaashaanka ku dhuftay isaga oo taageerayaashiisa ku war geliyey in aanay isku diyaarin doorasho kalidii ku kooban nidaamka xisbiguna yahay in la wada tartamo ama si midaysan labadooda xubnood ee xisbiga ugu sarreeya loogu wada tanaasulo.

Taageerayaasha Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed ayaa dhaqdhaqaaqooda si weyn looga dareemayay shalay illaa xalay Caasimadda Gobolka Awdal ee Boorama oo uu safar degdeg ah ku tagay kadib markii uu ka soo laabtay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti taasi oo la sheegayo in Axmed Muumin Seed isu diyaarinayo dagaal siyaasadeed oo la xidhiidha mansabkiisa Musharraxnimo ee Madaxweyne Ku Xigeen kaasi oo ay u taagan yihiin illaa hadda laba xubnood oo ka soo jeeda Gobolka Awdal iyo xubno kaleba.

Illaa hadda ma cadda halka uu salka dhigan doono khilaafkan guud ee cakiran ee ka dhex qarxay Madaxda ugu sarraysa Xisbigaasi WADDANI oo dadweynaha reer Somaliland si weyn uga dhur sugayaan waxa ka soo baxa shirkiisa Golaah Dhexe wakhti aan sidoo kale la ogayn go’aanka Guddoomiye Cirro ka qaadan doono arrinkaasi cakiran ee xisbigiisa soo wajahay oo haddii uu sidaasi ku sii socdo saamayn weyn ku yeelan kara wada jirkiisa iyo cududdiisa xisbinimo iyada oo la ogaa saamaynta xisbiga KULMIYE ay ku yeelatay shirkii noocan oo kale ahaa ee uu qabsaday dabayaaqadii sannadkii hore oo xisbigaasi u kala jabiyey laba qaybood oo illaa imika u kala fadhiya laba qaybood

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews