Dawladda Sucuudiga Oo Shaacisay Tirada Iyo Wadammada Ay Ka Soo Jeedaan Xujaajta Sannadkan Ku Geeriyooday Xajka
September 17, 2016 - Written by Berbera Today
Jeddah(Berberatoday.com)-Boqortooyada Sucuudiga ayaa shaacisay tirada dadka ku dhintay sanadkan gudashada waajibaadka xajka oo shalay lagu soo Gabagebeeyey

magaalooyinka barakeysan ee wadankaas Agaasimaha Waaxda Adeegga Dadweynaha ee Xajka Fahad Abuu Daalib ayaa sheegay in 47 Xaaji ay ku dhinteen Xajkii Sanadkan kuwaasoo intooda badan ahaa dad da’ ahaa.