Faahfaahin Dheerada Oo Kasoo Baxday Dhaawacyadii Kudhawaacmay Shilka Baabuur Ee Waftiga Waddani
September 17, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa maanta jidka wayn ee isku xidha magaalooyinka hargeysa iyo berbera ka dhacay shil baabuur oo aad u naxdin badan isla markaana sababay khasaare dhaawac.
Waxaana shilkan baabuur uu ka dhacay duleedka tuulada Aw-barkhadle,iyada oona ay isku dhaceen laba baabuur oo kala ahaa gawaadhida loo yaqaano VITS ama Dukhaan iyo mid kamida gaadhi ay saarnaayeen ciidamada ilaalada gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Cirro oo saaka safar ugu baxay degmada Dacar-budhuq ee gobolka saaxil.
Waxaana shilkan baabuur uu sababay sida naloo sheegay khasaaraha dhaawaca 5 qof oo la kala socday labada gaadhi iyagana oona dhaawaca dadkaasi loosoo qaaaday cusbitaalka magaalada hargeysa.
Darawalkii waday gaadhiga yar ayaa la sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u adag tahay wallow ay dhakhaatiirta cusbitaalka hargeysa la tacaalayaan xaaladiisa.
Isku dhaca labadan baabuur ayaa naloo sheegay inuu ka dhashay kadib markii uu darawalkii waday gaadhiga yare e VITZ-ta ah uu is yidhi dhaaf gaadhi booyada intaasi kadibna ay si kadis ah iskugu soo baxeen gaadhigan ay wateen ilaalada gudoomiye Cirro oo ahaa Landgurezer,halkaasina uu ka dhashay isku dhacaasi.
Madaxwaynaha Somaliland iyo wafti uu hogaaminayo oo iyaguna kayimi degmadaDeegaanka Dabeyl Weyne ayaa goobta soo gaadhay oo la kulmay shilkan foosha xun ee ka dhacay duleedka tuulada Aw-barkhadle Waxaanu Madaxweynuhu gaadhiga uga dagay dhawaca shikkaas ku dhaawacmay isaga oo isdultaagay