Ciidamada Amaanka Gobolka Togdheer Gacanta Kusoo Dhigay Dabley Habeen Hore Nin Ku Dilay Deegaanka Godorka Iyo Magacyada Dableyda Lasoo Qabtay
September 18, 2016 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Ciidamada amaanka Gobolka Togdheer ayaa Goor dhawayd gacanta kusoo dhigay Kooxdii Habeen hore dilka ugu gaysatay Degaanka Godorka ee duleedka Magaalada Burco Marxuun la odhanjiray Axmed Hure kaas oo ay rasaas huwiyeen dablaydani isaga oo ku carawsan Gurigiisa halkaasna ay naftu kaga baxaday.
Sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha Booliska Gobolka Togdheer kooxdan lasoo qabtay ayaa ka koobnayd Afar nin loo lagu kala Magacaabo C/laahi Maxamud Xaydle (Afcas),Cabdi yuusuf Cilmi,Muxyadiin iyo Xedho.